Kuma gabo dantaydaay
Kuma galo waxyeelooy
Kuma gooyo wacadooy
Kuma taliyo godobtee
kuma geeyo colaadee
Gefow kuma ilaaboo
Wellee anigu goornaba
Kuma naco Galbeedow
Kuma gabo abaaloow
Kuma gaabsho deeqeey
Kuma oodo gacaneey
Kollan anigu geestiyo
Ama gudo ha joogtee
Garreey kaama eexdoo
Kolley anigu goornaba
Kuma nacoGalbeedow
Golihii Hargeysiyo
Guryasamo adoo yaal
Ama gala Daruuraha
Galabta uu gugii helay
Adoo guud ka daawadey
Waa wax lagu guryeeystaa
Kolley anigu goornaba
Kuma naco GAlbeedow




