Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Wasarada Waxbarashada Puntland Xilalkii ka qaday Gudoomiyeya

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wasarada Waxbarashada Puntland Xilalkii ka qaday Gudoomiyeya

Postby FBISOMALIA » Fri Mar 04, 2011 2:26 pm

Wasaarada Waxbarashada Puntland oo Xilalkii ka qaaday intabadan Gudoomiyeyaashii Waxbarashada

Garoowe:(Allpuntland)-Wasaarada waxbarashada ee dowlada Puntland oo u muuqanaysay sanadahan danbe in ay xooga saarayso tayaynta waxbarashada iyo mudnaansiinta aqoonyahanada u tafaxaydan horumarinta dalka ayaa markii ugu horaysay isbadal ku samaysay gudoomiyaasha gobolada Puntland qayb ka mid ah ka dib kulamo ay wada yeeshen madaxda wasaarada waxbarashada Puntland oo looga arinsaday sidii loo xoojin lahaa gudoonada waxbarashada ee gobolada Puntland.

Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Cawke Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Puntland oo warbaahinta u qaybiyey warqada badalaada lagu sameeyey gudoomiyashii waxbarashada ee gobolada Nugaal,Bari,Mudug iyo Karkaar in ay ka danbaysay cabasho wasaarada ka soo gaadhay iyo in la dhaqaajiyo talaabo horumar leh oo dhinaca waxbarashada ah oo wasaarada higsashadeeda ah.

Waxaa sidoo kale agaasimaha guud ee Wasaaradu uu xusay in xubnaha gudoomiyeyaaasha cusub ee waxbarashada gobolada wasaaradu u diyarisay agabkoodii ay howsha ku qaban lahayeen si ay ugu sahlanaanto in waxqabad la yimadaan.

Waxaana gudoomiyeyaasha la magacaabay ee cusubay kala yihiin.

Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka Bari Mahdi Maxamed Muuse.

Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka Karkaar Bashiir Axmed Yuusuf.

Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka Nugaal Xassan Cabdullaahi Cilmi (Birimo).

Gudoomiyaha Waxbarashada gobolka Mudug Bashiir Axmed Khalaf.

Dhinaca kale masuuliyintii xilalka laga qaaday ayaa waxaa loo kala magacabaay kormeerayaal waxbarasho oo kala duwan waxaa agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada mudane maxamuud cabdirixmaan cowke tilmaamay in qorshu yahay isku duubnaan wadareed oo wasaradu samaysay.

waxayna kala yihiin xilalka loo magacaabay mudanayashii ka tagay xafisyada waxbarashada ee gobolada.

Gudoomiyihi hore ee Waxbarashada gobolka Bari Maxamuud .

Caynab waxaa loo magacaabay kuxigeenka Kormeeraha guud ee dugsiyada Farsamada gacanta .

Gudoomiyihi hore ee Waxbarashada gobolka Karkaar waxaa loo magacaabay Kuxigeenka kormeeraha guud ee Waxbarashada dadban .

Gudoomiyihi hore Waxbarashada gobolka Nugaal waxaa loo magacaabay kuxigeenka kormeeraha Waxbarashada ee dugsiyada sare .

Gudoomiyihi Waxbarashada gobolka Mudug waxaa loo magacaabay kuxigeenka kormeeraha guud ee dugsiyada Hoose,dhexe.

Si kastaba aha ahaatee waxaa qorshahan badalaada iyo magacowga ay samaysay Wasaarada Waxbarashadu qayb ka noqonayaa sida madaxda wasaaradu xustay talaabiiyinka lagu tayaynayo Waxbarashada puntland.

Maxamed Baashe
Allpuntland Garowe.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 4 guests