Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Latest from Diif

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
ruralboy
Posts: 171
Joined: Wed Mar 09, 2011 11:05 pm
Location: Soomaaliya dhankeedana dhawaaq farax leh mooyee dhiillo kama sugaayee

Latest from Diif

Postby ruralboy » Sun Mar 13, 2011 9:32 pm

Deegaanka Diif oo ku yaalla xadka u dhexeeya dalalka Somalia iyo Kenya, aagga ay ka wadaagaan gobolka Jubbada hoose, una dhow magaalada Dhoobley ayaa degan maanta markii dagaal kii ugu qaraaraa ee soo mara uu shalay gabal dhicii ku dhexmaray ciidamo kala taabacsan Al-Shabaab iyo kooxda la yiraahdo Raaskaambooni.

Dagaalka oo ay ku dhinteen ugu yaraan lix qof iyo dhaawac tiro intaas ka badan sida ay goob-joogayaasha xaqiijinayaan ayaa yimid markii dagaalyanada Al-Shabaab ay magaalada soo weerareen, muddo koobanna gacanta ku dhigeen, kana saareen ururka Raaskaambooni oo uu hoggaamiyo Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Weerar rogaal celin ah oo lagu soo qaadday Al-Shabaab ayaa Raaskaambooni ay dib u soo ceshadeen deegaanka Diif oo markii horaba ay iyagu ka talinayeen, iminkana kooxdan ayaa heysata.

Dad deegaanka waxay ku waramayaan in meydad fara badan lagu arkay magaalada dhexdooda oo kamid ahaa ciidamadii Al-Shabaab ee duulaanka soo qaadday. Guddoomiye ku xigeenka Raaskaambooni Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi oo BBC-da u waramayey ayaa sheegay in ay jabiyeen wax uu ugu yeeray Takfiirka dhibka ku haya ummadda Soomaaliyeed, casharna tuseen.


Mar la weydiiyey xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo dowladda KMG ayuu tilmaamay in ay iska kaashanayaan sidii dalka looga saari lahaa Xarakada Al-Shabaab, waxayna ku soo beegantay xilli ciidamada Raaskaambooni iyo qaar kale oo dowladda taabacsan muddo lagu tababarayey gudaha dalka Kenya. Raaskaambooni waa magaca ururkii hore ee uu guddoomiyaha ka ahaa wadaadka Sheekh Xasan Turki, markii uu Axmed Madoobe uu ka baxay Xisbul-Islaam ayuu ku dhawaaqay kooxdan uu isaga madaxda ka yahay.






http://www.gedoweb.com/index/modules.ph ... e&sid=6331

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 7 guests