
Wasiirka amniga Dawladda Puntland Gen. Yuusuf Axmed Khayr ayaa maanta magaalada Garoowe ka furay kulan gogal xaar u ah shirwayne dib u habayn loogu samynaayo Ciidanka Booliska Dawladda Puntland.
Tababarkaan ayaa waxa uu ka furmay xarunta hay’adda Cilmi Baarista Puntland ee PDRC, waxaana looga hadlayaayey baahiyaha Booliska ee u baahan in wax laga qabto.
Kulaankaan oo ah mid ay soo qaban qaabisay Hay’dda UNDP ayaa waxaa ugu harayn maanta ka hadlay taliyaha Boolisak Puntland Gaashaanle Cali Nuur Cumar, waxaana uu sheegay in shirkaan maanta uu yahay mid socanaaya muddo laba maalmood ah kasoo lagaga arrinsanaayo baahiyaha haysta Booliska ee u baahan in wax laga qabto.

Madaxa hay’adda UNDP Mr Nice oo goobta kahadlay ayaa waxaa uu sheegay in kulankaan uu yahay mid gogal xaar u ah shirwayne dib habayn loogu samynaayo Ciidan ka Booliska Puntland.

Wasiirka Amniga Puntlnad Yuusuf Axmed khayr oo si rasmi ah u furay kulanka ayaa goobta kahadlay, waxaana uu kasoo sheekeeyey siday ahaan jireen Ciidanka Booliska Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in ay ahaayeen Ciidan aqoon lahaa, isla markaan haystay qalab ay ku shaqeeyaan, hase yeeshee waadayan dambe ay soo xumaanayeen Ciidanka Booliska taasi oo ay ugu wacan tahay bur-burka dalka ku dhacay.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka Booliska Puntland hadda la doonaayo in la hormariyo oo laga dhigo Ciidan tayo iyo aqoonba leh.
Kulankaan maanta ayaa ahaa mid looga hadlaayo baahiyaha Booliska si loo toosiyo, looguna sameeyo tababarro ku aadan hawlahooda shaqo.
Wasiirka ayaa intaas raaciyey in loo baahan yahay in Booliska uu naqdo mid aqoon leh oo yaqaan shaqada uu u hayo Dowldda iyo shacabka, isagoo aan loo baahnayn in uu ku tunto sharafta muwaadinka.
Wasiirka amniga Dawladda Puntland Yuusuf Axmed Khayr ayaa ugu danbayntii sheegay in looga baahan yahay ka qayb galayaasha kulanka in ay ka fiirsadaan baahida Booliska iyo sidii loo tayayn lahaa.
Tabarkan ayaa ahaa mid ay kasoo qayb galeen Booliska, Ururada Bulshada rayidka ah iyo xubno ka socda Wasaaradaha Dowladda Puntland.



