
Gaalkacyo (RBC Radio):- Shirkadda Xawilaada ee Amal Express ayaa maanta si rasmi ah waxay u bilowday ka qeyb qaadashada biyo dhaaminta loo sameynayo dadka abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan gobolada Mudug iyo Galguduud.
Biyo dhaaminta ayaa waxaa looga faa’ideynayaa shacabka ku dhaqan goobaha ay shirkadu ka shaqeyso kuwaasi oo ay abaartu saameysay, waxaana deegaanada maanta shirkadu ay biyo dhaaminta ka sameysay ka mid ahaa Galdogob, Bursaalax, Bacaadweyn, Xarfo, Jariiban, Garacad oo dhamaantood ka tirsan gobolka Mudug, halka degmooyinka Cabudwaaq iyo Gelinsoor oo iyaguna ka tirsan gobolka Galguduud biyo dhaamintaasi oo kale ay shirkadu ka fulisay.

Howlgalada biya dhaaminta ee ay shirkadu bilowday ayaa waxaa fulinaya shaqaalaha shirkada Amal Express gaar ahaan wakiilada shirkadu ay ku leedahay degmooyinka iyo gobolada dalka Soomaaliya, kuwaasi oo gaarsiinaya biyaha goobaha ugu daran ee ay abaartu saameysay xilligan.

Nabaddoon C/laahi Xirsi Maxamuud oo ka tirsan Odayaasha degmada Xarfo ayaa mahad celin balaaran u diray Shirkada Amal Express, wuxuuna ku amaaney sida ay uga qeyb qaadanayaan taakuleynta iyo gurmadka deg dega ah ee loo fidinayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobolka Mudug.

Mid ka mid ah booyadihii biyaha ka dhaaminayey degmada Galdogob puntland
Maamulaha guud ee shirkada Amal Express qeybteeda Gobolka Mudug Cali Faarax Nuur Shire ayaa sheegay in howlgaladani biyo dhaaminta ah looga faa’ideynayo dadka ay dhibaatadu ka soo gaareen abaaraha ka jira dalka Soomaaliya, kuwaasi oo aan heysan biyo ay cabaan iyaga iyo xoolahooda

Maamulaha Guud ee Shirkada Amal Express Qeybta G/Mudug Cali Faarax Nuur
Cali Faarax waxaa uu intaa ku daray in shirkada Amal Express had iyo goor ay u taagan tahay in ay dadweynaha Soomaaliyeed kala qeyb qaadato horumarinta arimaha bulshada, sida gurmadka abaaraha, horumarinta caafimaadka, waxbarashada, dhismaha wadooyinka, nabadgelyada iyo horumarinta dacwada Islaamka.

Wakiilka Shirkada Amal Express Galdogob Shiikh Mahad C/laahi
“Dayactirkii lagu sameeyay isbitaalada Gaalkacyo, Garowe, Burtinle iyo Boosaaso, miinadii laga saarey wadada isku xirta degmooyinka Gaalkacyo iyo Galdogob oo hadda dadku isticmaalo ayaa shirkada Amal Express ka qeyb qaadatay, dhismayaasha dugsiyada Quraanka, iskuulada, dayactirka masaajidada, fidinta Diinta Islaamka, u adeegida bulshada dhibaateysan ee ay soo gudbiyaan wakiilada degmooyinka iyo gobolada intaba waxbadan bay shirkadu ka qabataa” ayuu yiri Maamulaha guud ee shirkada Amal Express qeybteeda Gobolka Mudug Cali Faarax.

Howlgalka biyo dhaaminta ah ee hadda shirkadu ka bilowday gobolada Mudug iyo Galguduud ayaa bishii hore shirkadu ka fulisay degmooyinka iyo gobolada Sool, Sanaag, Buuhoodle, Togdheer, Nugaal, iyo qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Bari.

Wakiilka Shirkada Amal Express ee degmada Xarfo Ciise Aw-axmed oo jooga ceelka biyo dhaamintu ka socotay
Shirkada Amal Express waxay dadka Soomaaliyeed ee wax heysta ugu baaqeysa in ay ka qeyb qaataan taakuleynta dadka abaareysan ee ku nool gudaha dalka Soomaaliya, waxayna taakulada ay ugu talo galeen abaaraha ay ku soo hagaajin karaan xafiisyada shirkada Amal Express ay ku leedahay dhamaan gobolada dalka Soomaaliya iyo xafiisyada shirkada ee ku yaala dalka dibadiisa.
Shirkada Amal waxay balan qaadeysaa in ay gaarsiineyso dadkii loogu talo galay deeqahaasi, iyadoo shirkadu ay ku wargelinayso dadweynaha Soomaaliyeed ee jecel in ay ka qeyb qaataan gacansiinta walaalahooda abaartu saameysay in lacagaha ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka abaaraha ay soo diri karaan iyagoon laga qaadin wax khidmad ah.
RBC Radio.




