New mamuul declared all habar gidir sidelined and all ciidamo removed from dhusomareeb and coming to cabudwaaq, seems like Beesha suufis got fed up
Shir ay albaabada u xiran yhiin ayaa habeenimadii xalay ka dhacay degmada Caabudwaq. Kullankaa ayaa la sheegay in ay soo abaabuleen xubno ka tirsan Ururka Ahlusunna oo asal ahaan ka soo jeeda magaalada Caabudwaq iyo Degaanada ku xeeran.
Wada hadalkan oo socday saacado ayaa waxaa ka qeybgalay gudiyada nabadgelyada iyo xubno ganacsato ah oo magac dheer ku leh deegaankaa. Xubnaha ka hadlay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha cusub ee Ahlusunna Sh. Ibraahim Sh. Xasan Guureey iyo Wasiirka Gaashandhiga & Nabadgelyada Ahlusunna-Caabudwaq Sh. Cali Xasan (Cali Dheere) ayagoo sheegay in ay haboon tahay in beelaha degaanadan degan ka tashadaan aayahooda oo ay ismaamul gooni ah samaystaan.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in shirkaa nuqul ka mid ah yahay sidii loo sameynlaa Gobol cusub, Gobolkaa oo la magacbaxay “Galwaaq”. Weli lama shaacin cida sida tooska ah ugu dhawaaqi doonto iyo xiligga la shaacin doono gobalkan iyo in dowlad Gobolleed ahaan loo soo bandhigi doono. Qorshaha shirkaan ayaa u muuqda in Galgaduud laba waaxood ay u qeybsami doonto iyadoo Gobolka Galwaaq uu maamul, dhaqaale iyo ciidan ahaanba ka madaxbanaanayo Galgaduud.
Sidoo kale, Degmooyinka lagu wado in ay hoos tagaan Gobolkan ayaa waxaa ka mid ah Degmooyinka Balanbale, Dhabad, Aricadeys iyo Bur-Geesoole iyadoo caasimada Gobalkana lagu wado in ay noqoto degmada Caabudwaq.
Sida la wada ogyahay, Caabudwaaq ayaa ah degmada ugu dadka iyo ganacsiga badan dhamaan degmooyinka Gobollada Dhexe. Sanadahii la soo dhaafay, Magaalada Caabudwaaq ayaa lagu tilmaamaa in ay dhaqaale ahaan iyo baaxad ahaanba la tartami karto Degmoyinka dalka sida Degmada Gaalkacyo, Burco ama Laascanood.
Gobolka Galwaaq ayaa u muuqda mid muhiim ah una qalma gooni isu taaga Gobol markii laga eego dhinacyada tirada dadka degan, baaxada iyo guud ahaanba dhaqan dhaqaalaha gobolka.
Shirkan ayaa waxuu soo dedejinaya dareenka guud ee shacabka ku nool Gobolkan oo waayahanba taagnaa, kaas oo odayaasha iyo aqoonyahanada ku tilmaameen in ay muhiim tahay in ay is maamul sameystaan, qofwalbana uu xil iska saaro danaha guud ee shacabka.
Kullankaan ayaanan laga casuumin xubnahii Madaxda ka ahaa Maamul Gobolledka Bartamaha Somaliya oo ay qaar ka mid ahi ku xiran yihiin xabsi ku yaala caasimada dalka Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee, xariirka hoose ee Ahlusunna Galgaduud ayaa mugdi soo kala galay ayadoo ciidamada kasoo jeeda CabudWaaq ay isaga bexeen aagga hore ee dagaalka ayagoo oo soo cidleeyay fariisimadii ay ku lahayeen degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.



