Ceel-waaq: (Sh. M. Network) Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa dagaal ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ku dhexamaray deegaano ka tirsan degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.
Dagaalkii cuslaa ee saakay Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab ku dhexmaray deegaanada u dhaxeeya Isgoyska Abooda iyo degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa inta la xaqiijiyay waxa ku geeriyootay ilaa 10-ka mid ahaa dhacyadii dagaalada uu u dhaxeeyay iyadoo 8-kalana ay ku dhaawacmeen.
Markii uu yara qaboobay dagaalka kadib ayaa Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo sidoo kale Taliska Ciidanka Xarakada Shabaab waxaa ay guulo ka kala sheegteen dagaalkii ka dhacay Nawaaxiga Isgoyska Abooda ee gobolka Gedo.
Afhayeenka Ciidamada Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii saakay ay qaadeen ciidamooda ay kula wareegeen Saldhiga ciidamada dowladda ay deegaankaasi, isagoo sidoo kale tilmaamay in askar farabadan ay ka dileen dowladda KMG Soomaaliya, gaadiid dagaalna ay ka qabsadeen sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Xildhibaan Max’uud Sayid Aadan oo ka mid ah Mudanayaasha barlamanka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay gobolka Gedo ay qasaaro ku gaarsiiyeen Xaraka Al Shabaab, isagoo tilmaamay in dad badan ay ku dhinteen dagaalkaasi.
Isku soo wada dooboo waxaa haatan xaaladda degnaansho ah laga dareemayaa goobihii ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab, iyadoo aan jirin ilo ka madaxbanaan dhinacyada dagaalamay oo xaqiijinaya guulaha ay kala sheeganayaan dagaaladaasi.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
NALA SOO XARIIR webmaster@shabelle.net


