
Wuxuu yidhi "waan ka xumahay inuu hogaamiye dal sidaasi u hadlo, laakiin waxaan idiin sheegayaa in burburkii Soomaaliya aan ka faa`iidnay". Asagoo hadalka sii wata ayuu mar kale yidhi "sow ma aragtaan magaaladan Kampala ee xiimaysa, Soomaali ayaa nalka u shiday".
Musaveni oo aad ugu dheeraaday burburka qarankii Soomaaliyeed iyo sida ay dal ahaan uga faa`iideen ayaa ku nuux nuuxsaday inay ka xunyihiin dhibaatada ka socota Soomaaliya balse dal ahaan ay yihiin kuwo ka faa`iiday shacabkii Soomaaliyeed ee ku soo qaxay Ugaandha.
Asagoo farta ku fiiqaya meelaha ugu muhiimsan ee Soomaalida uga faa`iidaysteen ayuu soo qaatay in Soomaalidu bartay shacab kiisa sida loo ganacsado, wuxuuna sidoo kale si saraaxad leh u cadeeyay in ka hor Soomaalida uu dalkiisu dhibaato ku qabay shidaalka, hadana meel ay Soomaalidu ka keentayba uu wadankiisu ka haqab-beelay shidaal qiimahiisu aad u jabanyahay.
Isku soo duuboo Musaveni wuxuu fagaare caalami ah ka cadaystay faa`iidada uu ku qabo Soomaalida taasi oo loo turjuman karo inuusan Musaveni diyaar u ahayn in Soomaalidu ay dalkiisa dib uga noqoto, si taasi u hirgashana ay Soomaaliya waligeed ku jirto qas iyo lab.





