yuu Marehan ka yahay?
Caabudwaaq, Somalia (AOL) – Munaasabada loo sameeyay dhagax dhiga garoonka kubada cagta ee Degmada Caabuwaaq isla markaana xariga looga jarayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa maanta maamulka Sare ee Culimaa’udiinka Ahlusuna Waljameeca, kan Degmada, Xubno ka socday gudiga sare ee Olympic-kada, wafti ka socday Qurba joogta, iyo Bahda Sports-ka degmada Caabudwaaq.
Gudoomiyaha guud ee Culima’udiinka Ahlusuna Sh. Ibraahin Sh. Isbaahin Sh. Xasan (Guureeye) iyo Cumar xasan Maxamed (Cumar dheere) oo ah xubin sare oo ka tirsan Gudiga Olympic-kada ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay dhismaha loogu tala galay garoonka kubada Cagta ee Degmada Caabuwaaq waxaana goobtaasi hadalo kala duwan ka jeediyay masuuliyiin kala duwan ee ka soo qayb galay xaflada xariga looga jarayay dhismaha garoonka Degmada.
Sh. Ibraahim Guureeye oo ah masuulka ugu sareeya Ahlusuna ayaa ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada inay gacan ka gaystaan howlaha lagu hormarinayo adeegyada Bulshada iyo is dhex galka dhalinyarada waxaana uu sheegay inay bulshada Caabudwaaq ay xaq ku leeyihiin gudiga sare ee Olympic-kada inay ka qayb qaataan hurumarinta dhalinyarada gaar ahaan tan Sports-ka isaga oo umahad celiyay Cumar dheere oo ka socday gudiga Olympic-kada ahna Gudoomiyaha bahda Leicester iyo Axmed Maxamed Axmed (Axmed Qaahira) oo ka yimid dalka Australia ayaa sheegay inuu ku deeqayo mucaawino uu u keenay bahda Sports-ka ee Gobolka Galgaduud, waxaana uu shegay inay u tahay farxad ka qaybkiisa maanta ee munaasabada dhagax dhiga Stadiom-ka Caabudwaaq.
Cumar Dheere ayaa dhinaciisa sheegay inuu ku farax san yahey munaasabad dhagax dhiga maanta ka dhacaysa Istadiom-ka Caabudwaaq waxuuna sheegay inay gacan ka gaysan doonaan garoonkan oo uu ku tilmaamay inuu noqon doono kii ugu horeeyay ee gudiga Olympic-ka ay ka dhisaan Gobolka Galgaduud waxuuna noqon doonaa ayuu yiri garoonka ugu wayn bartamaha Soomaaliya.
Ugu Danbayntii waxaa halkaasi hadal kooban ka soo jeediyay gudoomiyaha Sports-ka Degmada Caabudwaaq Muxiyadiin Cabdi Geele oo sheegay inuu uga mahadcelinayo dadkii ka soo qayb galay munaasabada dhagax dhiga Garoonka Kubada ee Degmada Caabudwaaq waxaana uu ka codsaday gudiga Olympic-kada iyo qurba jogtaba inay gacan ka gaystaan dhismaha Garoonka.






