Gudoomiyaha degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag Yuusuf jaamac Dibad oo la hadlaayey Warbaahinta Horseed Media ayaa sheegay in ay soconayaan hawlgalo lagula dagalamayo kooxaha Burcadbadeeda Soomaliya oo dhibaato horay uga geystay degmada Laasqoray iyo deegaanada hoosyimada.
Duqa degmada Laasqoray Yuusuf Jaamac Dibad ayaa xusay in shacabka degmada Laasqoray ay siweyn uga soo horjeedaan burcadbadeeda islamarkaana ay kala shaqeeyeen Dowladda Puntland hawlgaladii ugu danbeeyey oo ay ciidamada Puntland ka sameeyeen degmada kaasi oo ay kusoo qabqabteen dad la la xiriirinayo in ay ka mid yihiin kooxaha burcadbadeeda taasi oo qayb ka ah dagaalka ay kula jiraan burcadbadeeda Soomaliya.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka ku dhaqan degmada Laasqoray ay sameeyaan banaanbaxyo looga soo horjeedo burcada oo ay muujiyeen sida ay uga diidanyihin in degmadooda ay fariisin ay ka sameystaan.
“..deeganada xeebaha leh oo hosyimada degmada Laasqoray waan ka saarnay kooxaha burcada waana sii wadayna inta deeganka aan uga sarayno kooxaha burcadbadeeda somalida” ayuu yiri Yuusuf jaamac
Dhanka kale gudoomiyaha ayaa ka warbixiyeey roobab xoogan oo ka da’ay deegaano hoosyimada degmada Laasqoray kuwaasi oo sababay khasaaro maaliyeed oo soo gaaray dadka degmada ku nool waxaana uu sheegay in roobabkaasi ay cagta mariyeen ilaa sagaal beerood oo ku yalay deegaanada Cirbiye iyo Biya cade isla markaana dadka kale ee reer guuraga ah uu kala tagay xoolihii ay dhaqan jireen.
Gudoomiyaha degmada Laasqoray ayaa ugu damabyntii codsi u jeediyay shacabka iyo Dowladda Puntland isgaana ugu baaqay inay gurmad la soo gaaraan dadka dhibaataysan ee ku dhaqan degmada Laasqoray.
C/salaan Axmed Shire
Horseed Media



