
Dagaallo culus ayaa caawa fiidkii ka qarxay deegaanka Dhoobley ee dhacda xad beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo wilaayada Islaamiga Jubbooyinka.
Boqolaal katirsan ciidamada Mujaahidiinta Somaliya ayaa dagaal ku galay Dhoobleey waxaana lasoo sheegayaa in mujaahidiintu ay gudaha degmadaasi dagaal culus uga jiraan.
Madaafiic iyo rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayaan labada ciidan ayaa laga maqlayaa hareeraha degmadaasi.
Saraakiil katirsan mujaahidiinta ayaa xaqiijiyay in ciidankooda ay qabsadeen hub farabadan oo ay kamid yihiin gaadiidka dagaalka, maleeshiyaadkii Murtadiinta ee Kenya soo anshax xumeysay ayaa ka firxay degmada.Lama oga in mujaahidiintu ay kusii sugnaan doonaan degmada iyo in ay dib ugasoo bixi doonaan, weerarka ay mujaahidiintu caawa ku qaadeen Dhoobley ayaa kusoo aadaya waqti uu khilaaf xoogan u dhexeeya maleeshiyaadka cadawga ah.
http://www.amiirnuur.com/index.php?opti ... 48:wararka




