Garoowe:(Allpuntland)-Iyadoo maanta Duhurnimadii ay malayshiyo ka tirsan kuwa Somaliland duulaan culus kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee jiida Tukaraq ayaa ay khasaaro balaaran dhaliyeen dagaalkii dhexmaray labada ciidan ee kala ahaa kuwa Somaliland & ciidankii Puntland ee jiida fadhiyey, Iyadoo ay weli jiraan rasaas goos goos ah oo dhacaysa.
Wararkii u danbeeyey ee dagaalkaas ay APL ka helayso waxay xaqiijinayaan in ciidanka Somaliland si weyn loo durjiyey islamarkaasna gabaldhicii galabta la geeyey meel 20-Km u jirta degmada Tukaraq, Waxaana halkaas la geeyey kadib markii ay waqti kooban kusugnaayeen afaafka dhanka Laascaanood ee Tukaraq iyagoo si rasmi ah u qabsaday Kastankii Canshuurta Puntland ee degmada Tukaraq oo kamid ahaa Kantooralada ugu waaweyn ee canshuuraha soo uruuriya.
Wariye kusugan jiida Dagaalka ayaa APL u sheegey in ciidamo xoogan oo Puntland ka socda ay galabta gaareen Tukaraq islamarkaasna ay hubka darandooriga ku weerareen ciidankii Somaliland ee qabsaday Tukaraq afkeeda shishe, Waxaana ciidankan oo ka yimi dhanka Garoowe watay Sarkaal ka tirsan ciidanka Madaxtooyada ee Puntland waxaana ciidanka kamid ahaa ciidanka madaxtooyada ee Puntland oo dagaalkii galabta si firfircoon uga qeybqaatay.
Isbitaalka weyn ee Garoowe ayaa goordhaweyd oo maqribkii ah la geeyey Dhaawaca 1-Ruux oo Todobo ka dhigaya Lix isla galabta isbitaalkaas la geeyey, waxaana caawa heegan buuxa ku jira saraakiisha caafimaadka ee Isbitaalka weyn iyadoo ay dhamaan dadkani yihiin askartii Puntland ee jiida markii hore laga qabsaday, waxaana xusid mudan in gawaari gurmadka deg deg ahi ay ka qeybqaateen soo daabulista dhaawaca mana cada inay jiraan dhaawacyo kale oo ciidanka Puntland loo geystay.
Dhanka kalena Isbitaal gaar ah oo ay Somaliland ciidankeedu ku leeyihiin bar ciidan oo jiida Laascaano ah ayaa ay warar hoose sheegayaan in caawa la geeyey dhaawac 13-Askari oo kamid ahaa ciidankii maanta dhaawacmay, Waxaana ay dadka deegaanku sheegayaan in ay jiraan dhimashada ciidamo ka tirsan Somaliland oo la geeyey Laascaanood walow aanan la geynin isbitaalka weyn ee Laascaanood.
Dawlada Puntland xubno kamid ah oo ay ku jiraan Wasiiro & kusimaha madaxweynaha Puntland oo ay APL la xiriirtay waa ay ka gaabsadeen inay ka faahfaahiyeen dagaalkan deg dega ah ee maanta ka qarxay Tukaraq kaasoo ahaa mid si toos ah loogu soo qaaday ciidanka Puntland, Waxaana ay ciidanku halkaas kusugnaayeen mudo dheer iyadoo madaxda dawladuna ay sheegaysay inay dib usoo celinayso Laascaanood walow maanta la weeraray Tukaraq oo kala barta Garoowe & Laascaanood.
Cabdiqani Xayir
Cqxayir@hotmail.com
Allpuntland