http://puntlandi.com/?p=15580Ezio Scaglione oo ah nin talyaaniya, ahaana ninkii uu Cali Mahdi u magacaabay daljiraha soomaaliya ee u fadhiya soomaaliya waddanka Talyaaniga, markuu madaxweynaha ka ahaa soomaaliya. Ninkaan isaga oo ka faaìidaysanaya xilkaas ayuu shirkad walba oo talyaani ah oo sunta doonaysa inay iska qaaddo wacay oo u sheegay inuu hayo waddan uu ku daadiyo sunta, qiimo yarna sheegay. Ninkaan wuxuu u xilsaarnaa inuu soo uruuriyo sunta, kuna qanciyo warshadaha haddii la waydiiyo meesha uu u wado inuu yahay daljiraha soomaaliya una wado soomaaliya oo laga sameeyey meel qashinkaas lagu kaydiyo, una haysto warqad sharci ah. Ninkaan marakan wuxuu deggan yahay jasiirad ku taal waddanka Haiti oo sheegtay inuu isagu leeyahay, doonayana in dunida u aqoonsato






