Muqdisho: (Sh. M. Network) Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa rasaas qasaaro gaystay ku furtay dhalinyaro ku bada ku cayaaraysay degmada Yaaqshid ee gobolka Banadir.
Galinkii dambe ee shalay ayaa Ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab waxa ay rasaas ku fureen tiro dhalinyaro ah oo ku bad ku cayaaraysay goob barxad ah oo ku dhow Saldhig Ciidamada Al Shabaab ay ku leeyihiin degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir halkaasi oo ay ka dhasheen qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la’ogyahay rasaasta ay fureen Ciidamada Shabaab ayaa waxa ku nafwaayay haweenay ka agdhoweyn goobtaasi, iyadoo sido kale ay ku dhaawacmeen 3-ka mid ah dhalinyaradii ku badda Cayaaraysay kuwaasi oo durbadiiba loola cararay Isbitaalka Dayniile ee Magaalada Muqdisho.
Mid ka mid ah dhalinyaradii ku badda wax ka cayaaraysay islamarkaana ka badbaaday rasaastaasi ayaa waxaa uu u sheegay Idaacadda Shabelle in ma qura ay kusoo buraarugeen rasaas xooggan oo ay kusoo fureen Ciidamada Shabaab, isagoo tilmaamay inaysan jirin wax digniin ah oo horey ay u siiyeen Maamulka Al Shabaab ee degmada Yaaqshid sida uu hadalka u dhigay.
Majiro wax war ah oo kasoo baxya Maamulka Shabaab degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir oo ku aadan rasaasta ay Ciidamo ka tirsan Shabaab ay ku fureen dhalinyarada ku badda ku cayaarayay barxad ku taala degmadaasi hase ahaatee mudooyinkii dambe ayaa deegaanada ay ka taliyaan Al Shabaab waxa ay ka mamnuuceen ku cayaarista kubadda cagta iyo waxyaabo kale oo ay ku tilmaameen inay kaso horjeedaan shareecada Islaamka.



