Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Farriin furan oo ku socota Baarlamaanka

Somali government affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Farriin furan oo ku socota Baarlamaanka

Postby TheblueNwhite » Mon Jun 13, 2011 11:49 pm

Heshiiska lagu gaaray Kampala Juun 9, 2011 waxaan u aragnaa in uu yahay mid fadeexad ku ah dadka iyo dalka Soomaaliya, waa mid dhaawacaya sharafta iyo jiritaanka dhammaan hay’adaha dowliga ah ee dalka Soomaaliya.

Heshiika Kampala waxaa uu ka xayuubiyay xildhibaanada baarlamaanka xuquuqdii dastuuriga ahayd ee ay lahaayeen. Taas oo ahayd in ay yihiin sharcidajiyayaasha iyo illaaliyayaasha shuruucda dalka.

Xuquuqdii xildhibaanada waxaa lagu wereejiyay shakhsi kali ah, kaas oo ah Afhayeenka Baarlamaanka.
Dhinaca kale heshiiska Kampala waxa uu meesha ka saarayaa Dawladda hadda jirta oo noqotay Dawladdii ugu horeysay muddo 20 sanno ah wax ka qabato musuqmaasuqa, amniga, nabadgelyada iyo soo celinta rajada shacabka Soomaliyeed.

Haddaba waxaa is weydiin mudan maxaa la’isku haystay oo Kampala loo tagay. Waxa la’isku haystay waxay ahayd in Dawladda iyo Baarlamaanka sannad loo kordhiyo ama doorasha la’aado marka la gaaro Agoosto 2011.

Dawladda marka la leeyayay ma aha in loola jeedo Madaxweynaha ee waxaa loola jeedaa Wasiirka koowaad iyo wasiirada kale ee ay xukuumadda ka dhisan tahay.

Haddaba shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan waxa ay si isku mid ah u diideen heshiiskii Kampala. Waxay shucuurtooda ku aadan sida ay u diidan yihiin qodobadii shirka Kampala ku muujieen dibadbaxyo, qoraallo, iwm.

Waxaa muuqata oo aan la iska indha tirikarin in shacabka Soomaliyeed billaabeen xisaabtan ku aadan cidda wax u qabaneysa iyo cidda qiyaameeyneysa. Shacabka Soomaaliyeed waxay bilaabeen kacdoon ay ku doonayaan in ay ku soo ceshadaan sharaftoodii iyo qarannimadoodii. Shacabku ma yeeli doono in markale masiirkooda marti uga noqdaan shaqsiyaad aan u diirnaxayn, lahayna dareen waddaninimo.

Midowga Ururada Nabadda iyo horumarinta Somaliya ee Waqooyiga Yurub wuxuu halkan ku caddeynayaa in uu si buuxda u barbar taagan yahay kacdoonka shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan shacabka Reer Muqdishu. Kacdoonkaa oo ku aadan ilaalinta Qarannimad Somaliyeed.

Waxaan la qeybsaneynaa xannuunka iyo dareenka murugada leh ee uu abuuray hashiiska Kampala. Waxaan idiin la qaybsaneynaa aragtida ah in heshiiska Kampala uusan ka tarjumeynin danta iyo maslaxaddaUmmadda Somaliyeed laakiin cidda keli ah ee uu u faa’ideynaayo tahay Al-Shabaab iyo cadawga ummadda Soomaaliyeed.

Sidaa awgeed wuxuu Midowga Ururada Nabadda iyo horumarinta Soomaaliya ee Waqooyiga
Yurub u dirayaa fariin ku aadan badbaadinta qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed Barlamaanka iyo
Xukumadda Somaliya.

:up: :som: :som: :som: :clap: :clap: :clap:

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somali Government”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 1 guest