Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Colonel dhancade arrests laascaanood mayor for treason

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
CORRUPTION
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 956
Joined: Thu Feb 05, 2009 10:31 am
Location: The DON "HMC" Click Via London
Contact:

Colonel dhancade arrests laascaanood mayor for treason

Postby CORRUPTION » Mon Jun 20, 2011 11:34 am

Xukuumadda oo Xabsiga Dhigtay Maayirkii Laascaanood iyo Sababaha loo aanaynayo Xadhigiisa
Laascaanood(Waaheen)- Ciidamada Bilayska ee Magaalada Laascaanood ayaa shalay Galabtii Xabsiga u taxaabay Maayirkii Degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool Axmed Daahir X. Xasan, kaasoo lagu eedeeyay inuu faraha kula jiray falal ka dhan ah Somaliland oo ay wadeen odayaal ka soo jeeda beeshiisa.

Maayirka oo shalay galabtii laga qabtay Huteel la yidhaahdo Dalxiis oo ku yaala gudaha Magaalada, waxa isla xalayba loo dhaadhiciyay Xabsiga dhexe ee Magalaada laascaanood, halkaasoo uu ku jiro sida ay xalay saacadihii dambe wararku nagu soo gaadhayeen, inkasta oo warar aanu helnay ay sheegayeen in isla xalayba Xildhibaano iyo Odayaal uu aabihii ku jiro oo ku sugan Hargeysa ay madaxtooyada u tageen sidii loo sii dayn lahaa.
Axmed Daahir X.Xasan oo ay Xidid dhaw yihiin Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi X. Cali Xasan, si rasmiya looma oga waxa lagu soo eedeeyay,balse sida ay sheegeen ilo ku dhaw-dhaw oo aanu la xidhiidhnay waxa xadhigiisa amray Wasiiro Xukuumadda ka tirsan, gaar ahaan Wasiirka Warfaafinta iyo Ganacsiga oo ku sugan magaalada Laascaanood, kuwaasoo amar ku siiyay Taliyaha qaybta Bilayska iyo Guddoomiyaha Gobolka Sool in la soo xidho Maayirka, waxaanay sida ay ila wareedyadaasi noo sheegeen ay wasiiradani xadhigiisa ku nisbeeyeen in uu lug ku lahaa shir ay dhawaan beeshiisu kaga arinsanayeen dad ay ciidanka qaranka Somaliland u soo qabqabteen falal argagixiso oo loo soo dhaadhiciyay Xabsiga Mandheer oo ka dhacay Degmada kalabaydh.

warar kale oo aanu xalay ka helnay xadhiga Maayirka ayaa sheegay in lagu eedeeyay falal Musuqmaasuq oo uu galay, kuwaasoo uu ku lunsaday lacag lagu qiyaasay 350.000000 Milyan(saddex Boqol iyo Konton Milyan Slsh), taasoo loogu talo galay in Mashaariic horumarineed lagaga fuliyo Gobolka, gaar ahaan degmada laascaanood.
Badhasaabkal iyo Taliyaha qaybta Bilayska ee Gobolka Sool oo uu Wargeyska Waaheen la xidhiidhay si uu xadhiga Maayirka wax uga waydiiyo ayaanay u suurto gelin, ka dib narkii ay qaban waayeen talefoonadooda gacanta oo aanu ku cel celinay.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 11 guests