Related Articles
Kismayo, Somalia (AOL) – Maamulka Islaamiga magaalada Kismaayo ayaa maanta deeq waxbarasho ku godoonsiiyay bahda waxbarashada qeybaheeda kala gedisan ee magaalada Kismaayo.
Munaasabad balaaran oo maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ayuu Maktabka Tacliinta wilaayada Kismaayo qalab waxbarasho oo casri ah ku gudoonsiiyay dugsiyada iyo jaamacadaha kajira magaaladaasi Kismaayo.
Qalabkan waxbarasho ayaa ka koobnaa Buugaag, Jeesto, Sabuurado, qalabka wax lagu xisaabiyo, Buugaagta waaweyn oo ay macalimiintu ku diiwaan geliyaan Ardayda xiliyada ay kusoo biirayaan iskuulada.
Madaxa Tacliinta maamulka Islaamiga Kismaayo oo munaasabadii deeq bixinta ka hadlay ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan sare u qaadidda waxbarashada Iskuulada Kismaayo, gudoomiyaha daladda iskuulada Kismaayo oo isna hadlay ayaa sheegay in bahda Waxbarashada Jubbada Hoose ay wada shaqayn wanaagsan laleedahay maamulka Islaamiga ayna ku faraxsanyihiin in xiligan adag ay taageero waxbarasho ka helaan maamulka Islaamiga.




some chalk

some geometry tools(whoever said al shabab banned math is a liar)

some sharpeners
mashallah mashallah



