Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Prof...Ibbi oo lagu booriyay.

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Prof...Ibbi oo lagu booriyay.

Postby zingii » Fri Jul 01, 2011 4:29 pm

Prof. Abdirahman Ibi oo ceeb kala huleelay xalay Xafladdii 1-da Luuliya ee Nairobi, loona diiday inuu ka hadlo.
Print here| By: allgedo.com: Friday, July 1, 2011 // u Jawaab

Related ArticlesNairobi, Kenya (AOL) – Waxaa xalay lagu qabtay munaasabad aad u qiimo badan dhismihii hore ee safaaraddii dalka Somaliya ee dalka Kenya, waxaana kasoo qeybgalay dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Xildhibaano aann waji fiican ku dhex laheyn bulshada, halka uu howshan dhan soo qabanqaabiyey Safiirka Somaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Ali Ameerica.

Xaflada ayaa ku bilaabatay waji ay ka muuqato qiiro wadanimo taasi oo laga akhrisan karay wajiyada dadkii halkaasi joogay, waxaana Khudbado kala duwan halkaasi ka jeediyey martidii kasoo qeybgalay, waxaana mid waliba uu gaar kiisa u sheegay in somaliya oo mid ah looga bixi karo dhimaatada ina daashatay 20-kii sano ee la soo dhaafay.

Danjire Maxamed Ali Ameerica oo ahaa maskaxdii howshan ka danbeysay ayaa ku dheeraaday halka ay somalida ka joogto maalinta 1-da Luuliyo oo loo asteeyey madaxbanaanida iyo midowga Somaliya, isagoona sheegay inay arintaasi ku timid dadaal iyo dhiig ay bixiyeen waalidiintii hore ee Somaliya, sida Ahmed Gureey, Sayid Maxamed Abdille Xasan iyo dhalinyaradii SYL ee gobonima-doonkii aheyd.

Abwaan Abdi Shire Jama “Ciyaar-jecel” oo ah kabiirka ama Guddoomiyaha kooxda Qaylodhaan oo xafladan uga yimid ka qeybgalkeeda Wadanka UK isla markaana halkaasi hadalo ka jeediyey ayaa ku dheeraaday ka hadlida muhiimada ay leedahay kacdoonka bulshada Somaliyeed, isagoona dhinaca kale hadalkiisa dul-mariyey hagar-daamaha ay beesha Caalamka ku hayaan Somaliya, waxaana uu sheegay in maanta la jogo xiligii laga tashan lahaa Beesha Caalamka iyo kuwa uu ku tilmaamay dabadhilifka shisheeyaha. Hadalkaasi oo markaliya jawiga xaflada badalay.

Abwaan Abdi Shire waxa uu ka mid yahay isaga iyo Kooxda qeyladhaan somalida fara ku tiriska ah ee ku dagaalamaya midnimada Somaliya, waxaana uu heeso badan ka sameeyey xaalka Somaliya, iyaddoo ay taasi keentay inuu is badel ku yimaado bulshada Somaliyeed oo indhaha ka daawan jirtay xaalka somaliya oo ay iska fara-marooqsadeen dad aan u tureyn dadka iyo dalka Somaliya.

Prof, Abdiraxman Xaaji Aden ” Ibi” oo ka mid ahaa xildhibaanadii xalay kasoo qeybgalay munaasada 1-da Luuliyo ayaa markii looga yeeray dhinaca codbaahiyaha isla markaana uu bilaabi lahaa hadalka, waxaa is qabsaday qaylo iyo buuq lagu diidan yahay hadalkiisa. Waxaana ay dadweynaha ku tuurayeen wax alle iyo wixii ay gacanta ku heysteen, iyaddo taasi ay dhalisay wel-wel xoogan oo dhinaca amaanka ah, maadaama meesha ay joogeen dad ka badan 2000 oo qof ” Laba kun oo Qof”.


Image

Dadweynaha ayaa Ibi ku tilmaamayey inuu ka mid yahy xildhibaanada ka shaqeeyey burburkii ku yimid xukuumaddii Farmaajo isla markaana aan marna dooneyn inay dowlad Somaliyeed cagaheeda isku taagto, Waxaana Ibi ku adgaatay inuu dadkaasi hadal ku qanciyo, iyaddoo ugu danbeynti uu halkaasi isaga tagay isaga oo ay ka muuqato caro iyo xumaan uu ka qaaday Munaasabada, halka dadweynihii kale iyo Masúuliyiintii kale ay u aheyd habeen farxadeed.


Fanaanada weyn ee Somaliyeed Saado Cali Warsame ayaa si ay u dejiso dadweynahaasi la wareegtay codbaahiyaha, waxayan bilowday hadalo goobaabo ah, iyaddoo ugu danbeyntii dadkii halkaasi joogay u qaaday heeso qiiro wadaniyadeed xambaarsan. Saado Cali Warsame ayaa munaasabada xaflada uga timid dalka Mareykanka waxaana ay sheegtay inay mudo badan ku taameysay somaliya dib dowlad u heshay, balse waxa ay sheegtay inay taasi ku imaaneyso oo kaliya marka niyada la isku furo isla markaana la iscafiyo.

Waa markii ugu horeysay xaflada 1-da Luuliyo lagu qabtay safaaradii hore ee Somaliya tan iyo markii ay meesha ka baxday Dowladii dhexe ee Somaliya oo uu hogaamin jiray Jalle Maxamed Siyaad Barre allaha u naxariistee, Laakiin ayaan darada jirta ayaa ah in xafladani ay kusoo aaday xili uu dalka ku jiro sanadkiisii 21 -tanaad ee uu burbur yahay.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: barbarossa and 29 guests