
Garoowe :-Caasumada Puntland ee Garoowe ayaa waxay tahay magaalo aad iyo aad u kobcaysa oo laga dhisayo guryo aad u casri ah, waxaana ku soo badanaya gaadiidka baabuurta oo aad iyo aad u badanaya, waxaana durbadiiba maankaaga ku soo dhacaya dhismaha iyo baabuurta badan ee badanaya ay barbar socdaan waddooyin waawayn oo ay dadka iyo gaadiidkuba isticmaalaan, hase ahaatee, waxaa magaalada dhexmara hal wado oo laami ah oo la oran-karo dhammaan dadka iyo gaadiidkaba waa midda kaliya ee ay isticmaalaan.
Wadadan kaliya ee ay dadka iyo gaadiidka wada isticmaalaan ayaa waxaa u sii dheer wadayaasha gaadiidka oo intooda badan ay yihiin kuwo aqoon iyo waayo aragnimo ulehayn sharciga wadamarista, waxaana inta badan wadayaasha gaadiidku ku maraan wadadan hab ka fog sharciga wadamarista, waxaana inta badan ka dhasha dhibaatooyin isugujira dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti, waxaana wareer iyo xanuun ka qaada qof yaqaan sharciga wada marista (Traffic law). Majiraan wax taraafiko ah oo kala hagta ama kala nidaamisa baabuurtan ciddii khAlad gashana ciqaabta uu leeyahay marisa, waxaana intaas sii dheer masuuliyad-ximida wadayaasha gaadiidka waana taas mida keentaydhibaatooyinka kala duwan ee ka dhasha ee aan kor ku xusnay.
Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor Duqa Caasumada Garoowe ayaa PP waydiisay sababta magaalada loogu samayn waayay taraafiko iyo waddooyin kale oo la isticmaalo si la mid ah wadada kaliya ee laamiga ah, wuxuu sheegay in uu aad iyo aad u garowsan yahay dhibaatada jirta ee dhanka sharciyada iyo waddooyinka ah, wuxuu sheegay in ay dhowr jeer kala xiriireen hay’adaha Dawladda ee ay qusayso oo ay kala hadleen in la sameeyo Taraafiko, balse arintan aysan dhicin, wuxuu sheegay in haatan ay diyaarsheen koox Dawladda hoose ah oo ganaaxda baabuuta khaladaadka gasho si kumeel gaar ah, si buu yiri dhibaatooyinka dhaca loo yareeyo. Dhanka waddooyinka ayuu sheegay in ay qorshaynayaan in la helo waddoyin kale oo baabuurta loo weecsho, sanadka 2012 ayuu sheegay in uu rajaynayo in ay waddooyinka qaar ay laami la saaro, kuwaas oo kala fudayn doonta gaadiidka.
Magaalada Garoowe, ayaa lagu sheegaa magaalada ugu waddooyinka fiican marka lag hadlayo magaalooyinka waawayn ee Puntland sida Gaalkacayo iyo Boosaaso, waxaana maamulada kala duwan ee heerka gobolka iyo heerka Degmo iyo shacabkuba ay sameeyeen dadaal ballaaran oo lagu ilaashay waddooyinka iyo bilicda magaalada.
Tan iyo markii la yagleelay maamulka Puntland ee hada jirsday 13 sano, ayaa Garoowe ay ahayd Caasumada Puntland mudadaasna waxay magaaladu u kobcaysay si xawli ah, waxaana aad iyo aad u badanayay gaadiidka, hase ahatee, mudadaas intaas la eg ma jirin wax sharciga wadada ah oo la dhaqan gashay



