Garowe(Puntlandi.com) Warar hoose ayaa noo xaqiijiyey in Dowlada Puntland ay heshiis hoose la gaartey wadaad Atam, Khudbada Madaxweynaha ee Munaasabada 13aad ee aasaaskii Puntland ayuu madaxweynuhu si rasmi ah ugu sheegi doonaa in xukuumadu ay heshiis rasmi ah la gashey Maxamed Siciid Atam, Cafisna loo fifiyey isaga iyo Maleeshiyaadkiisa.
Warar kale oo ku dhow wada hadalka ayaa noo sheegey in Maleeshiyaadka Cafiska loo fidiyey ay yihiin oo kaliya dhalinyarada Reer Puntland balse kuwa kale aysan marti u noqoneyn Puntland, waxaa heshiiska ka mid ah in maleeshiyaadka aan u dhalan Puntland ay isaga baxaan Puntland si deg deg ah. heshiika iyo cafiskana kuma jiraan iyagu, taasina waxey aheyd sharuud ka timid dhinaca Dowlada.
Maxamed Siciid Atam ayaa isna sharuudihiisa waxaa kamid ah, in dolwadu Puntland ay ka qayb qaadato sidii dhalinyarada aan u dhalan Puntland ee ka tirsan Maleeshiyaadkiisa loo gaarsiin lahaa deegaanada ay kasoo jeedaan iyadoon wax xarig ah loo geysan.
Hadii heshiiskaan uu noqdo mid rasmi ah waxey noqoneysaa guul usoo hoyatey Dowlada Puntland oo iyado had iyo jeer ku celcelin jirtey in Wadahadal iyo wada xaajoodyahey xalka ugu wanaagsan ee nabad lagu gaari karo, Dowlada Puntland na ay mar walba diyaar u tahey Wixii wada hadal nabadeed ah, Dagaalkunu uu noqdo xalka kama dambeysta ah hadii laga fursan waayo oo nabad lagu raadsho.
Puntlandi.com



