Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray

Postby Keyse_0208 » Tue Jul 26, 2011 7:28 pm

Haaye warshad biya-ah mooyaane warshado kale miyaanba meesha laga dhisin :lol: laakiin waa iska maanshalla :up:
Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Warshadii Ugu Horreysay Ee Laga Hirgaliyey Gabiley Soo Saari Doonta Biyaha

Gabiley (SDWO 26/07/2011) - Madaxwayne ku Xigeenka Jamhuuriyada Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta Xadhiga ka jaray Warshad Cusub oo soo saari doonta Biyaha Saafiga ah. Kaasi oo laga hir galiyey Duleedka Galbeed ee Magaalada Gabiley ee Xarunta Gobolka Gabiley.

Image


Xafladan Xadhig-jarista ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxa ugu horreyn ka hadlay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil oo si wayn ugu amaanay Mulkiilayaasha Shirkada oo uu ku sheegay in ay Gabiley ka furtaan Warshadan, waxaanu farta ku fiiqay in ay taasi dheeli tirayso Gobolada. isla markaana ku hambalyeeyey, waxaanu sheegay in ay ka maamul ahaan soo dhawaynayaan, sidoo kalena dhiiri-galinayaan Horumar kasta oo Dalkani ku tallaabsanayo.

Image


Madaxwayne ku xigeenku waxa kale oo uu xusay in ay ugu haboontahay in Maal-galinta loogu horreysiiyo xaga Wax-soo saarka Beeraha, iyo in Nidaamkii hore wax laga badalo isaga oo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi.





‘Waa in Dadkeenii Aqoonyahanka ahaa ee Cilmiga dibadaha ka soo kordhistay, ee Aduunka ka soo kordhistay waa in ay wax ka badalaan Beertii uu Shalay ka tagay ee Hadhuudhka iyo Galaydii yarayd ee aynu beeran jirnay, iyo Sicii yaraa ee la daba-joogayey. Sida aynu wax uga badali karnaanaana waa Beertii aynu Roobka la sugaynay in aan Dhaamam u xidhnaa oo Lacagta aynu ku bixinayno Jagada 150,000$ (Boqol iyo Kontonka Kun ee Dollar) iyo Gaadhiga 100,000$ (Boqolka kun ee Dollar) aynu u weecino dhaamamka si aynu u soo saarno Waxsoo saar Muuqda’. Ayuu yidhi Madaxwayne Ku Xigeenku. Waxaanu hadalkiisa ku daray:-‘Marka hore hawsha waa la gala, waxaanay muhiimadu tahay in la ilaaliyo Sharciyada Shirkada gudaheeda iyo Maamul wanaageeda, si Khilaafka la iskaga ilaaliyo oo aanu Muran u iman. Dadkeenana waxaad moodaa in ay u soo bislaanayaan wax wada lahaanshihii’. Ayuu yidhi Mudane Saylici .

Image




Maamulaha Shirkada Mina ee Biyaha Dr Cismaan Aw Yuusuf Magan oo Isaguna halkaa ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey Warshadani inta Qof ee ku midoobay, Ujeedada ay u Aasaaseen, sida ay u shaqaynayso iyo heerarka ay Marayaan. Isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi Dr ku:-“Waxaa Warshadan ku midoobay ilaa Lix Qof oo Qurbe-joog u badan, Sadex ka mid ah waa Maqan yihiin, Sadex kalena waa joogaan, Ujeedada aanu u aas-aasnayna waa si ay Muwaadiniintu uga helaan Shaqo oo ilaa hada waxa ka hawl galay ku dhawaad Sodomeeyo Qof oo u badan Reer Gabiley”. Ayuu yidhi Dr Cismaan. Waxaanu hadalkiisa ku daray:”Laba jeer ayay Warshadani sifaynaysaa Biyaha ilaa Caagada la maydhana laguma shubayo Biyaha. Waana Warshad nooca ugu casriyeysan”.

Image


Waxa isaguna Munaasibadan Xadhig-jarista ah ka hadlay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Dr Axmed Xaashi Oday. Oo tilmaamay Fursadaha ay dheertahay Shirkadani Shirkadaha kale ee Dalka, isaga oo Arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi:- ‘Wajaale waa Saylada ugu wayn ee Ganacsi, waxaana laga helaa Biyaha Shirkadaha dhamaantood, Shirkadani way ka fursad fiicnaanaysaa kuwaa kale oo dhan, Sababta oo ah kuwaa kale oo dhami Nool dheer ayay soo galayaan. Taasina waa idiin Fursad ee ka faa’iidaysta Todobaatanka Milyan ee aynu la jaarka nahay ee Itoobiya’. Ayuu yidhi Axmed Xaashi Oday.



Waxa Isaguna halkaa ka hadlay Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska C/risaaq Khaliif oo isaguna ku dheeraaday Siyaasada ay Dawladu ku qaabilayso Maal-gashiga Muwaadiniinta iyo Muhiimada ay leedahay in la maal-galiyo Dalka oo uu ka xusay in Fursado Shaqo oo badani ka Abuurmayaan Dalka oo Muwaadiniin badani ka hawlgali doonaan. Waxaanu Carabka ku dhuftay in Dawlad ahaan soo dhawaynayaan.



Waxa Iyaguna halkaa ka hadlay Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe, Sheekh Almis Yaxye Xaaji Ibraahim, Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Caaqil Axmed C/laahi Xareed, iyo Oday Cabdi Aw Cumar Kulmiye,



Dhaga Bacayl
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8363
Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
Location: H-Town in Somaliland

Re: Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray

Postby Dhaga Bacayl » Tue Jul 26, 2011 8:59 pm

:down: too many of them.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: nnjrewzas112 and 7 guests