Markabkii Shidaalka U Siday Shirkada Read Sea Ee Budhcad-baddeedu Afduubka Ku Haysatay Oo Caawa La Sii Daayay
Garoowe(Ramaas) July. 27, 2011- Markab u saliid u siday shirkad ganacsi oo laga leeyahay Somaliland oo muddo ka badan laba toddobaad ah u afduubnaa budhcad-baddeed ka afduubtay biyaha dalka Cumaan, ayaa la sheegay in la sii daayay caawa .
Wararka ka imanaya Magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland, ayaa sheegay in sii daynta ay suuragalisay wadahadalo toos ah oo dhex maray ergo ka socotay maamulka shirka Read Sea oo weheliyeen sallaadiin reer Somaliland ahi iyo wakiilo ka socday budhcada oo isku afagartay in marka hore ay budhcadu ay sii dayso markabkan, iyada oo aan la sheegin wax madax-fursho oo ay shirkadu markabka laga afduubay bixisay.
Sii daynta markabkan ayaa la filyaa in ay hoos u dhigta qiimaha shidaalka oo cirka isku shareeray, ka dib markii uu soo baxay warka sheegayaa in markabka shidaal siday oo u socday dhanka Magaalada Berbera la qafaashay laba toddobaad ka hor.
Ramaasnews Desk
http://www.ramaasnews.com/news.php?readmore=7295
Hargeisa






