Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Suuq Xoolaha iyo Qaabka Loola Socodo Sicirka puntland

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Suuq Xoolaha iyo Qaabka Loola Socodo Sicirka puntland

Postby FBISOMALIA » Thu Jul 28, 2011 12:48 pm

Image

Mamulka Rugta Ganacsiga Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe kusoo bandhigay barnaamij la yiraahdo suuqgeynta xoolaha iyo qaabka loola socdo sicirka suuqyadda.

Kulanka lagu soo bandhigey mashruuca cusub ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Xanaanada Xoolaha, W/caafimadka, W/dekadaha, W/ku xigeenka howlaha guud, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir, Kuxigeenka Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Siciid Xuseen Ciid, masuuliyiin kale oo ka socota qurbo joogta Puntland ee Yeman iyo qaybo ka mid ganacsatada xoolaha ee Puntland, iyadoona si toos ah kulankaasi looga hadlay hirgalintiisa mashruuca iyo dadka wadda, waxaana la sheegay in mashruucu socon doono muddo 6 bilood ah.

Image

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Maxamuud Xayir Ibraahib ayaa shaaca ka qaaday in uu yahay mashruucaani mid lagu horumarinayo suuq geynta xoolaha iyo la socodka qiimaha markaasi uu marayo, isagoona intaasi ku daray inuu yahay mid faa”iido u leh shacabka Puntland.

Waxaana si faah-faahsan uga war bixiyay Barnaamijkan cusub Shiikh C/raxmaan oo ah latiliye dhanka ganacsiga xoolaha ee Rugta Ganacsida wuxuu ka sheekeeyay ujeedka kulankaani inuu yahay sidii looga gudbi lahaa qaabka hadda lagu gato xoolaha nool iyo in la helo barnaamij cusub oo ka warhaya suuq-yadda xoolaha, wuxuna intaasi ku daray in loo kuur galayo xogta dhabta ah ee suuqyadda ka dibna ay si toos ah u wadda gaarayso Dowladda, Ganacsadda, Maxjarada iyo Dadka xoolaha dhaqda, qaabka la isugu gudbin doono xogta ayaa noqon doonta qaabab kala duwan waxaana ka mid noqon doona fariimaha la isugu diro Mobiles-ka.

Barnaamijkan waxaa ka faa’ideysanaya dadka xoolaha dhaqatada ah ayuu yiri la taliyuhu, sidoo kale waxaa ka faa’ideysan doona dadka ganacsatada ah, taas oo lagu yareynaayo waqtiga kaga baxaaya ganacsatada iyo xoola dhaqataduba in ay holaan xogta suuqa xoolaha loo iibgeeyo.

Masuuliyiin u badan wasiiro ayaa ka hadlay shirka waxayna dhamaan sheegen inuu yahay mashruucaani mid faa’iido u leh dadka ganacsatadda ah iyo xoolo dhaqatadaba, waxaana ka mid ah masuuliyintii hadashay wasiirka w/xanaanadad xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire oo sheegay inuu ku faraxsan yahay mashruucan wuxuuna ugu danbayntii wasiirku sheegay doorka wasaaradda inay diyaar u tahay kala shaqaynta, dadka ku hawlan mashruucan cusub.

Mashruucaani ay waddaan Mamulka Rugtaa Ganacsiga Puntland ayaa waxaa dhaqaalaha ka saacidaysa Hay’adda UNDP, waxaana lagu waddaa mashruucaani inuu noqda mid ay ka faa’iidaystaan ganacsadda iyo xoolo dhaqatadda Puntland si loo heli nidaam iyo waddo loogu hagaago xogta suuqyadda Puntland.

Mashruucaani waxa uu yahay iyo xogta uu ku fadhiyo waxaa ka warbixinaya la taliyaha dhanka rugta ganacsiga Puntland Shiikh C/raxmaan

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 8 guests