Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Dahabshiil donates 100 000$ to the people in South Somalia

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Dahabshiil donates 100 000$ to the people in South Somalia

Postby Coeus » Sat Jul 30, 2011 8:18 pm

Image

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil oo Shaaca ka qaaday in shirkaddu Deeq-horaad dhan US$100 000 ku taakulaynayso dadka abaaruhu riiqeen ee koonfurta Somalia

Guddoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil, Mudane Maxamed Siciid Ducaale, ayaa shaaca ka qaaday in deeq-horaad degdeg ah oo dhan boqol kun oo Dollarka Maraykanka ah.

Shirkaduhu gaadhsiinayaan dadka abaaraha darani ku tahluukeeyeen gobollada koonfureed ee Somalia, iyada oo qoondadii shaqaalaha iyo wakiillada shirkaddu weli aanay soo dhammaan oo ku xigi doonto.

Guddoomiyaha oo xafiiskiisa kulan saxaafadeed oo kooban ku qabtay waxa uu mar kale ku celiyey sida uu uga jidhiidhicooday heerka ba’an ee abaaraha daba dheeraaday u ragaadiyeen dadkii xoolaleyda ama beeraleyda ahaa ee gobollo badan oo koonfurta Somalia ah, iyada oo maanta boqollaal kun qarka u saaran yihiin macaluul baahsan oo gaag-ma-reeba ah.

“Waxa yaboohdani daba joogtaa, “ ayuu yidhi Guddoomiyuhu “baaqii guud iyo bayaankii aan kaga dhawaaqay xidhitaankii aqoon-isweydaarsigii Wakiillada laamaha Gudaha ee shirkadda ee 21 July ku qabsoomay Hotel Maansoor, Hargeysa. Ujeedaduna waxay tahay in dadkaa ay maanta tabaaleeyeen abaaruhu l ficil loogu gurmado oo wixii la tari karo lala gaadho, siiba xilligan oo bishii barakaysnayd ee Ramadaan ku soo beegmay”.

Waxa Guddoomiyuhu baaq cod dheer ah u jeediyey cid kasta oo wax taaran kartaa dadkaasi, waxana uu yidhi: “hay’ado iyo dadyaw ka fogfog dadkan ayaa soo bilqaabay waxtar, waxa se intaba uga dhow oo la dhashay waa dadka magaca Soomaali ku abtirsada oo dhan oo ay isku diin iyo dhaqanba yihiin. Sidaa darteed, “ ayuu ku daray Guddomiyuhu “waxan ugu baaqayaa ganacsatada, culimada, dadweynaha iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed oo idil inay iyagu tallaabada hore qaadaan oo qof walbi wixii uu huri karo kaga qayb qaato gurmadkaa walaalaheen”.

Waxa kale oo Guddoomiyuhu hoosta ka xarriiqay in taakulo balladhan oo walaaltinimo ay gacanta ku hayaan shaqaalaha iyo wakiillada shirkaddu si ay gacan uga geystaan hawlaha samafalka ah ee lagu badbaadinayo dadkaa masiibada dabiiciga ahi ku habsatey.

Waxa uu Guddoomiyuhu mahadcelin iyo duco ballaadhan u diray shakhsiyaadka iyo hay’adaha isku hawlay samata-bixinta dadkan ku caydhoobay abaaraha, waxana uu iyaga iyo dadka tabaaloobeyba Ilaahay uga baryey inuu meel roon mariyo, inta culyaska iyo dhibtu haysana ka dul qaado oo Eebbe ugu beddelo raxmad iyo naxariis taam ah.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 27 guests