Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Al shabab burns down shops and houses belonging to civilians

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Al shabab burns down shops and houses belonging to civilians

Postby Coeus » Wed Aug 03, 2011 6:38 pm

Xarakada Al-Shabaab oo gubay guryo iyo Dukaamo ganacsi iyo xiisad ka taagan degaanka Garas Bintow

Image

Ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab ayaa dab qabadsiiyay in ka badan toban guri oo isugu jira goobo ganacsi iyo guryo ku yaalla degaanka Garas Bintow oo u dhaxeeya degmada Balcad iyo magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada xarakada Al-Shabaab ay tageen guri ku yaala degaanka Garas Bintow, halkaasi oo uu degenaa nin shalay dilay toorey la dhacay ilaa inta uu ka geeriyoodana ku waday nin oday ah oo lagu magacaabo Maxamuud Xasan Giirey, kaasi oo toorey ruuxa uga qaaday horjoogihii Al-Shabaab ee wadada u dhaxeysa degmada Balcad iyo Muqdisho laguna magacaabi jiray Cali Xoosh.

Xiisada u dhaxeysa xarakada Al-Shabaab iyo dadka degaanka Garas Bintow oo maalinba maalinta ka dambeysa sii kordheysa ayaa la sheegayaa in ciidamada Al-Shabaab markii ay tageen guriga ninkii odayga ahaa ee isagu dilay horjoogihii wadadaasi u qaabilsanaa Al-Shabaab markii ay waayeen caro darteed u gubay dhammaanba nawaaxiga gurigii uu degenaa odayga.

Sida ay sheegayaan dadka degan Garas Bintow dilka horjooge Cali Xoosh ayaa yimid kaddib markii uu u yimid ninka odayga ah ee lagu magacaabo Maxamuud Xasan Giirey uu afur u sameynayay dadweyne ka qeyb qaatay aaska haweeney ayeeyo u ahayd Maxamuud Xasan Giirey oo iyadu geeriyootay maalinimadii doraad ahayd.

Horjooge Cali Xoosh iyo odayga dilay oo lagu magacaabo Maxamuud Xasan Giirey ayaa iyagu ilmo adeer ahaa, waxaana horjoogaha laga dalbaday inuu isaga tago halkaasi hase yeeshee amar ku bixiyay in guriga ay geerida ka dhacday aan lagu duceysan karin isla markaana la damiyo dabka waxna aan lagu karsan karin.

Shaqaaqada arrintaasi ka dhalatay ayaa la sheegayaa inay galaafatay nolosha horjooge Cali Xoosh oo isagu dhaawacay wiil uu dhalay Maxamuud Xasan Giirey oo lagu magacaabo Xasan Maxamuud Xasan Giirey, kaddibna odayga uu la dhacay Toorey dhowr goorna ka geliyay xubnaha muhiimka ah ee jirkiisa, taasi oo sababtay inuu isla goobtaasi ku geeriyoodo, waxaana horjoogaha laga qaatay Bastoolad iyo laba qori.

Lama oga ilaa iyo iminka sida xaaladu noqon doonto, iyadoo xaaladda degenaansho ee ka jirta degaanka Garas Bintow ay tahay mid aad u kacsan, isla markaana dadkii ku haray halkaasi ay soo wajahday xaalad cabsi iyo welwel ay ka qabaan in waxyeelo uga timaado ciidamada careysan ee Al-Shabaab oo iyagu iminka colaad cusub u qaaday dadka degaanka.

User avatar
afisoone
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5425
Joined: Wed Jul 22, 2009 9:46 pm
Location: We all want to become president even though Amisom controls Mogadishu

Re: Al shabab burns down shops and houses belonging to civil

Postby afisoone » Wed Aug 03, 2011 10:07 pm

Dee waa fitno. Ninkii dilay horjoogihii hadii la weydiiyo maxaa u dishay wuxuu leeyahay inaa tacsiyeeyno ayuu noo diiday. Hadii lagu dhaho adiguba waxaa dishay Naf Muslim ah Muxuu ku jawaaba. Marka Cawaanta ha bashaalaan intee bashaali karaan. Inshallah... :down: :down: :down:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 17 guests