
Taliyaha ciidamadda madaxtoyadda Pland “Saxafaddu waa horumarka Bulshada”
Garowe ( RBC Radio ) : Taliyaha ciidamadda madaxtooyadda Puntland Coll Cumar C/laahi Maxamed ayaa xalay Casuumaad Afur iyo Casho sharaf isku jirtay hotelka New Rays ee magladatan Garowe ugu sameeyey dhamaan suxufiyiinta Puntland ee ku sugan caasimada garoowe
Casumaadan oo ahayd mid balaaran ayaa kulmisay suxufiiin farabadan oo garoowe ka hawlgala & kuwo garoowe u Yimid xuskii 1-da Ogos oo wariyaal farabadan ay uga yimaadeen gobollada Puntland

cashadii & afurkii ka dib ayaa hadalo koobkooban xafladan laga jeediyey max’ed daahir Yuusuf gudoomiye ku xigeenka Ururka suxufiyiinta Map ayaa taliye Cumar uga mahad celiyey casumadan oo warfidiyenka u fidyey wxuuna hadalka intaas ka dib hadalka qaatay Cumar Cabdliaahi max’ed taliya Ciidamada Madaxtooyada Puntland wuxuuna taliyuhu ku dheeraaday ahmiyadda saxaafaddu u leedahay bulshada.

Taliyaha ayaa hoosta ka xariiqay inuu aaminsanyahay in saxaafadu ay madaxbanaantahay,wuxuuna ku booriyey saxafiyiintii goobta joogay inay wararka ay baahinayaan ay noqdaan kuwo sugan oo dalka & dadkaba wax u dhimaya caddaaladna ku salaysan.
Ugu Damabayntii waxaa casuumadani ay ku soo dhamaatay isbarasho ay qof-qof isku barteen taliaye Cumar & dhamaan saxafiyiintii goobta joogtay.
Waa markii ugu horaysay oo masuul ka tirsan Puntland uu kulan noocana la yeesho safaxiyiinta.
RBC Radio



