Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Excellent news for Dahabshiil lovers

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Excellent news for Dahabshiil lovers

Postby The_Emperior5 » Sun Aug 14, 2011 7:42 am

Maamulaha Dahabshiil oo sheegay in lacagaha loo diro Bariga Afrika ee xawaaladiisu kor u kacay 10%
August 14th, 2011 Comments Off

UNICEF Oo gurmadka Abaaraha Soomaaliya u adeegsanaysa Jilaa caan ah

Wargeyska ka soo baxa dalka Ingiriiska ee caanka ah ee The Guardian ayaa Jimcihii qoray maqaal xiiso badan oo uu ku soo weriyey in Jilaaga caanka ah ee Ewan Mcgregor ee aad loogu bartay musalsallada Star Wars uu guntiga u giigsaday sidii uu gacan uga geysan lahaa barnaamij ay maalgelisey hay?adda UNICEF oo indhaha adduunka loogu soo jiidayo dadka macaluusha iyo dayacu ka soo gaadheen abaaraha daba dheeraaday ee Koonfurta Soomaaliya qaybo waaweyn oo ka mid ah ku habsaday.
Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan caruurta ee Unicef ayaa u adeegsanaysa jilaaga caanka ah ee Ewan McGregor inuu la galo olole qaadhaan loogu yaboohayo malaayiinka qof ee abaaraha daran ku haleeeleen geeska Afrika.
McGregor, oo ah safiirka Unicef ee UK, ayaa ka muuqan doona filimaanta isagoo ka codsanaya daawadeyaasha inuu qof walba US$5 kaga soo diro fariin telefoonkiisa, ayaa halku-dhig ku odhan doonaa, “Intaan filimku bilaabmin waxaan doonayaa caawintiina, xilligan 250 caruur ah ayaa ku dhimanaya Soomaaliya maalin walba. Wiil yar ama gabadh yar ayaa lixdii daqiiqadoodba dhimanaysa. Waxa haysta abaar, waxay baahi weyn u qabaan cunto iyo biyo, waan caawin karnaa, waxa la joogaa xilligii aan la qeybsan lahayn?
In badan oo ka tirsan fanaaniinta Afrika ayaa muuqaalo ku soo gudbin doona YouTube-ka ay ugu baaqayaan xukuumadaha iyo shucuubta Afrika inay talaabo qaadaan, si looga jawaabo dhibaatooyinka haleelay Soomaaliya, Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo sidoo kale qeybo ka tirsan Koonfurta Sudan, Eriteriya iyo Yugandha.
Qaar ka tirsan ganacsatada, sida shirkada Diyaaradaha British Airways, National Bank of Kuwait iyo Eli Lilly, waxay ku yabooheen dhaqaale. Shirkada Dahabshiil, oo xarunteedu ku taal Whitechapel, East London, waxay ugu deeqeen (in ka badan) $100,000 (£61,477) shacabka abaarahu haleeleen, isla markaana ugu baaqeen shirkadaha ganacsatada caalamka inay waddadooda raacaan.
Mamulahaa Guud ee Shirkadaha Dahabshiil, Cabdirashiid Ducaale, ayaa sheegay in shirkadooda oo badi qaabilsan diritaanka lacagaha xawaaladaha uu sare u kacay boqolkiiba 10% lacagaha loo diro Bariga Afrika ila markii la shaaciyey in abaaro ba?an ka jiraan bishii hore, inkastoo aanu sheegin xaddiga lacagtaa. Dadka Soomaalida ee dibedaha jooga ayaa Dahabshiil sannad walba ku dira dhaqaale gaadhaya $1.6 bilyan. Ducaale ayaa sheegay in Soomaalida joogta Ingiriisku isu abaabulayaan sidii ay dhaqaale ugu diri lahaayeen. “Waxay yimaadaan xafiiskayaga iyagoo doonaya inay wax ku yaboohaan si walba, waxay isku abaabulaan maqaaxiyaha, masaajidada, iyo xaafadaha,” ayuu yidhi Duale. “Rabshadihii London qof walba way taabatay, oo lagu ilaaway abaarahii bariga Afrika, laakiin jimce walba marka dadku isugu yimaadaan masaajidada waxay hayaan way ku yaboohaan, maantana waxaan filayaa inay waxay hayaan bixin doonaan.?
Ducaale ayaa sheegay in jawaabo fiican laga helay hay’adaha gargaarka, hogaamiyeyaasha diinta, iyo guud ahaan shacabka Soomaalida, laakiin muhiimada weyn waa in ganacsatadu talaabo weyn qaadaan, “Annagoo ehel iyo qaraabo wada ah, isku diin iyo dhaqan ah, waxaan ugu baaqayaa ganacsatada waaweyn inay jeebkooda gacmaha geliyaan oo qaadaan talaabadii ugu danbaysay ee lagu gargaari lahaa dadkaa, weliba inta lagu jiro bishan barakaysan ee ramadaan,” ayuu yidhi.
Ilaa xilligan shacabka Ingiriiska ayaa ku yaboohay dhaqaale gaadhaya £50milyan guddida qaabilsan abaaraha, “Iyadoo xilligan dhibaatooyin ka taagan yihiin Ingiriiska, shacabka Ingiriisku waxay ku faanayaan inay noqdaan kuwa ugu horeeya ee ka jawaabay gargaarka abaaraha bariga Afrika,? ayuu yidhi Brendan Gormley, agaasimaha DEC. ?Laakiin xadiga baahidu way weyn tahay, in ka badan 12 milyan ayaa baahi weyn qaba. Sida gargaarka shacabka waa in xukuumaduhu ku deydaan. Qaramada midoobay oo gargaar gaadhayey $2.4bilyan u doonaysay abaaraha ayaa ilaa xilligan helay $1.2bn, wax ka yar boqolkiiba 52%.

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 80 guests