
Boosaso ( RBC Radio) Waxaa maanta si rasmi ah loo dhaariyay golaha deegaanka degmada boosaso oo dhawaan la dhowrayay.
Xaflada dhaarta ayaa waxaa ay ka dhacday xarunta maamulka gobolka bari,waxaana halkaasi ka soo qayb-galay Wasiiro farabadan oo ka socda Puntland.
Wasiirka Amniga khaliif Ciise,wasiirka Arimaha gudaha C/llahi Axmed Jamac,wasiir ku xigeenka Arimaha Gudaha Cali Xoos,wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali shire,wasiirka dakkadaha iyo gaadiidka Bada Siciid Maxmed Raage,Gudoomiyaha gobolka Bari C/samad Maxmed iyo nabadoono Farabdan.
Xaflada dhaarta ayaa waxaa soo xaadiray 19 xubnood oo ka mid ah 27-ka xubnood ee golaha deegaanka degmada boosaso,iyadoona ay halkaasi ka maqnaayen xubno badan.
Dhaarta xubnaha golaha degaanka degmada boosaso markii ay soo dhamaatay ayaa halkaasi waxaa qudabado kala duwan ka jeediyay qaybo ka mid ah wasiirada.
Wasiir Ku-xigeenka Arimaha Gudaha Cali Xoosh oo halkaasi qudabad ka jeediyay ayaa ku amaanay xubnaha golaha deeganka ee degmada boosaso ee maanta dhaarta u yimid.
Cali xoosh ayaa intaasi raaciyay in xilka yahay mid adag oo howl badan ay sugeyso xubanaha maanta la dhaariyay,sida horumarinta degmada oo xilkeeda uu saaran yahay.
“waxay ila tahay in aad ka soo gudubteen xubno beeled la soo xulay mar hadii la idin dhaariyay,waxaad noqoteen dadka u adeegaya horumarka degmada Boosaso” ayuu ku yiri hadalkiisa Mudane Cali Xoosh.

Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali shire oo qudbad muhiim ah halkaasi ka akhriya ayaa marka hore waxaa uu golaha deeganka cusub u iftiimiyay waxa ay qaban doonan iyo howsha hor taala.
Mudane Faarax shire ayaa kala dar-darmay golaha cusub ee deeganka Boosaso in ay dhexdooda isku mashquulaan ama u weecdaan in ay laaluush ku jeestaan.
Waxaana uu cod dheer ugu sheegay in maamulka Puntland ee kore gacan buuxda ay ka heli doonan,balse howsha gudaha Boosaso ay iyaga u taalo,wixii ay maamulka uga baahdaana ka heli doonan.

Wasiirka arimaha gudaha Puntland
Dhiniciisana wasiirka Arimaha gudaha Dawladaha Hoose C/llahi Axmed Jamac oo qudabad gaaban halkaasi ka jeediyay ayaa ka hadlay xubno ka mid ah golihii hore ee deegaanka Boosaso oo Maanta ka mid ah dadka la dhaariyay.
“xubnihii hore waxa lagu Eryay waxaa ka mid ahaa Xil gudasho La’aan iyo iyagoo fahmi wayay howsha ay meesha u yimaaden,marka waxaan filayaa in aydin ku noqon wax laga soo gudbay” ayuu hadalkisa ku yiri mudane Ilka jiir.
Mudane ilka jiir ayaa kula dar-daarmay xubnaha cusub in ay ka soo baxaan kalsoonidii lagu soo xulay,gutaana waajibadka ay leeyihiin,waxaana uu kala dar-darmay in ay dhexdooda isku Mashquulaan sidii horey u dhacday.
Ugu danbeytiina waxaa loo balamay in maalinta Salaasada la doorto gudoomiyaha golaha deegaanka degmada boosaso,inta ka horeysana ay golaha deeganka shirar qaataan kana arinsadaan halka ay u dhaqaaqayaan iyo cida ay dooranayaa.