Sheekh Mukhtaar Roobow Mansuur oo kamid ah madaxda mujaahidiinta Somaliya oo boqolaal qof kula hadlay mid kamida masaajidda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xiligii ugu wanaagsanaa uu marayo jihaadka Soomaaliya.
Abuu Mansuur oo kalimad ka jeediyay munaasabad ballaaran oo ka dhacday Muqdisho ayaa umadda Muslimka Soomaliyeed ugu bishaareeyay in dhawaan guulo waaweyn dhici doonaan.
Abuu Mansuur ayaa waalidiinta Soomaaliyeed ku amaanay sida ay qur'aanka kariimka u barayaan ubadkooda taasina ay keentay in ku dhaqanka shareecada Islaamka si fudud uga hana qaadeen dalka Somaliya.








