Muqdisho (RBC Radio) Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u badan ayaa waxaa lgau soo waramayaa in la soo dhoobay degmada Luuq ee gobalka Gado.
Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay si aad ah u hubaysanyihiin isla markaana ay wataan gawaari waaweyn oo ah kuwa dagaalka.
Dad ku sugan gobalka Gado ayaa sheegaya in ciidamadaan ay yihiin kuwii ugu badnaa ee soo gala degmada Luuq ee gobalkaasi Gado.
Ilaa iyo iminka lama oga sababta ka danbaysa oo ciidamadaan Itoobiyaan ah ay u soo galeen qaybo ka mid ah gobalka Gado.
Hase ahaatee arintaan arintaan ayaa waxa ay ku soo adaysaa xili ciidamada dowada KMG Soomaaliya maalmihii ugu danbeeyay ay wadeen howlgalo balaaran oo ay ku doonayeen in ay kula wareegaan deegaano badan oo ka tirsan gobalka Gado.
Waxaan la ogayn talaabada ugu horeysa oo ay qaadi doonaan ciidamada dowlada Itoobiyaha ee soogaaray degmada Luuq ee gobalka Gado.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho




