Puntland oo ku baaqday in laga hortago wax walba oo ka soo horjeeda amaanka
Muqdisho (RBC Radio) Maamulka gobaleedka Puntland ayaa ugu baaqay shacabka in ay kala shaqeeyaan amaanka isla markaana ay ka hortagaan wax walba oo ka soo horjeeda amaanka.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Amniga ee Puntland Cabdi Jaamac ayaa ka cod saday Shacabka ku nool deegaanada Puntland in ay ka shaqeeyaan amaanka.
Waxa uu sheegay in loo baaganyahay in ay ka hortagaan wax walba oo ka soo horjeeda amaanka isla markaana ay soo sheegaan hadii ay arkaan waxyaabo ka dhan ah amaanka.
Hadalkaan ayaa Cabdi Jaamac waxa uu sheegay xili la soo bandhigay waxyaabaha qarxa kuwaasi oo loogu talagalay siada uu sheegay in lagu waxyeeleeyo Masuuliyiin ka tirsan Puntland.
Waxa uu tilmaamay in ay garanayaan dad ka soo jeeda deegaanada Puntland kuwaas oo la shaqeeya xoogaga Al-Shabaab ee ka dagaalama koofurta Soomaaliya.
Waxa uuna tilmaamay in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo amaanka isla amaanka iyo waliba jiritaanka Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.
voice link down
http://www.raxanreeb.com/?p=109884