Dagaal geeri sababay oo ka dhacay degmada Garbahaareey
Garbahaareey: (Sh. M. Network) Dagaal gaystay qasaaro dhimasho ah oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda KMG oo gacan ka helaya kuwa Ahlu Sunna iyo Xarakada Al Shabaab ayaa maanta ka dhacay degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.
Wararka ka imaanaya deegaanka raas-qori oo ku taalla duleedka magaalada Garbahaareey ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in deegaankaasi maanta ay ku dagaalameen Xarakada Al Shabaab iyo dowladda KMG oo gacan ka heleysa Ahlu Sunna Waljamaaca.
Dad goobjoogayaal ah ayaa Shabelle u sheegay in dagaalka uu yimid kadib markii ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ahlu Sunna ay weerar ku qaadeen fariisimo halkaasi ay ku leeyihiin ciidamada Al Shabaab taasi oo keentay in labada dhinac uu dhexmaro dagaal ay isku adeegsadeen rasaas iyo madaafiic xooggan.
Inta la xaqiijiyay ilaa 3-ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka 5-kalana wey ku dhaawacmeen kuwaasi oo la sheegay inay ahaayeen dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah oo rasaasta iyo madaafiicda ay haleeshay
Xaaladda ayaa haatan waxa ay tahay mid dagan, iyadoo deegaanka lagu dagaalamay ay la wareegtay dowladda KMG mana jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinacyadii dagaalamay hase ahaatee dagaalkaani ayaa waxa uu imaanayaa xili dowladda iyo Al Shabaab ay ku loolamayaan gacan ku haynta gobolka Gedo.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.




