Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Ismacil Adan Cismaan Siilaanyo is the Mujahid

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30834
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Ismacil Adan Cismaan Siilaanyo is the Mujahid

Postby Khalid Ali » Fri Sep 30, 2011 11:56 am

Axmed-Siilaanyo Ciddii Doontaaba ha iska Hadashee waa Mujaahid, Aniguna Waxaan ka mid ahaa Raggii la Dagaallamay ee Rayaale Doortay’
Last Modified: Fri 30th Sep,2011
Wararka
Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare)



Urur-siyaasadeedkii ugu Horreeyey oo Lagaga Dhawaaqay Hargeysa


Hargeysa (Jam)- Urur-siyaasadeedkii ugu horreeyey, ayaa lagaga dhawaaqay shalay hudheelka Xaraf ee magaalada Hargeysa.


Ururkan oo magaciisa la yidhaa Dalsan oo u taagan ururka horumarinta iyo nabadda oo uu guddoomiye u yahay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), waxa ka qaybgalay masuuliyiin ka socda Golaha Wakillada, madax-dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo taageerayaasha ururkaas ee gobollada.


Xildhibaan Cabdiqaadir Ismaaciil Jirde oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu ka mid ahaa mudanayaasha ka hawlgalay sidii loo furi lahaa ururrada siyaasadda, isla markaana ku faraxsan yahay inuu ka soo qaybgalo urur-siyaasiyeedkii ugu horreeyey oo ah Dalsan, waxaannu Ilaahay uga baryey inuu u fududeeyo hawshaas.


“Waxaan Ilaahay uga rejaynayaa urur-siyaasadeedka Dalsan uu ku soo baxo saddexda xisbi qaran ee u tartami doona talada dalka, waxaan dadweynaha u soo jeediya inay is-garab tagaan lana shaqeeyaan masuuliyiintaa soo qabanqaabiyey ee u badheedhay waa inaan lagu halayn, balse waa inaad hantidiina iyo waqtigiina u hurtaan, ururkana Ilaahay ha ka dhigo kii Somaliland isu keena, ururradii hore ee aan wan-qalkooda ka soo qaybgalay waxa ka mid ahaa KULMIYE, UCID iyo ASAD, waxaanan Ilaahay ka rajaynayaa inuu sida kuwaa hore ka qaybgalkayga ka dhigo kuwii ku guulaysta oo aan talada ku darsado markuu xisbi noqdo waan joogay wanqalkiisii,” ayuu yidhi xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.


Guddoomiyaha ururka cusub Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo halkaas ka hadlay, ayaa isagu sheegay inuu ururkoodu yahay mid u tagan nabad iyo horumar. Dalsan macnaheeduna waa dal wanaagsan, waxaannu yidhi; “Haddaan idiin faahfaahiyo astaanta calanka. Caddaanku waxa uu ka taagan yahay nabadda, dooguna horumarinta iyo barwaaqada, xiddigtuna waxay ka taagan tahay shantii Soomaaliya oo madooday.”


Waxa uu Mr. Ismaaciil-yare sheegay in ururkoodu yahay mid u adeegaya mudnaan weyna siinaya dadka danyarta reer Somaliland, sidoo kalena wuxuu u mahad-celiyey madaxweynayaashii u kala dambeeyey talada dalka oo uu ugu mahadnaqay mid kasta halka uu taada soo gaadhsiiyey, isagoo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Halkan waxaan uga mahad-naqaya madaxweynihii u horreeyey Somaliland Cabdiraxmaan Axmed Cali (Cabdiraxmaan Tuur) oo calankii u horreeyey ee la taago madaxweyne u noqday, waxa kale oo aan u mahad-naqaya Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ah ruug-caddaa qarannimada Somaliland la soo dedaalay oo aan anna xukuumaddiisii ka noqday Wasiirka Ganacsiga.


Waxaan sidoo kale u mahad-naqayaa Daahir Rayaale Kaahin oo isaguna halkii ay soo gaadhsiiyeen ka sii qaaday oo kaalin mug leh soo gaadhsiiyey, waxaanay mudan yihiin in maanta inta nool la xidhiidhiyo, loona mahad-naqo, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ciddii doontaaba ha iska hadashee waa mujaahid, waana guddoomiyihii SNM, aniguna waxaan ka mid ahaa raggii la soo dagaallamay ee Daahir Rayaale doortay, siyaasadduna waa sidaas, aakhirkiina anigoon ku biirin xisbiga KULMIYE ayaan tageeray si uu u guulaysto, isbeddel-doonkayagii bay ahaayeen kuwii uu codka intiisa badan ku helay, waxa laga yaaba inay qolooyin kale si kale isku siiyaan,” ayuu yidhi Ismaaciil-yare.


Waxa kaloo guddoomiyaha urur-siyaasadeedkan cusub ee Dalsan uu Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inay caddaaladda sugto, waxaannu ku dhaliilay masuuliyiin xukuumadda ka mid ah inay had iyo jeer telefoonaduudu xidhan yihiin, “Madaxweyne Axmed-Siilaanyo dalkan waa laguu dhaariyey, da’nna waad joogtaa ee wax badan yaanay ku dhaafin, waanad mahadsan tahay mar haddaad tidhi doorosho dambe isuma taagayo, Ilaahayna cimri dherar iyo caafimaad ha ku gaadhsiiyo, ummaddana caddaaladda la ogow xan badan baa jirtee oo dadkaaga dhex waxa jira ogow, xukuumaddaadana adaa ka masuul ah wax madaxbannaanina ma jiraan Ilaahay mooyaane, hadday maxkamaduhu wax kale khaldaan adigaa masuuliyadeeda leh.”


“Madaxweynaha xaq waxa loogu leeyahay inuu ilaaliyo caddaaladda, dadka u shaqaynaya inuu arko oo wasiirrada telefoonnadoodu xidhan yihiin ee loo baahan yahay uu eego.


Anigu maalintaan wasiirka ahaa waad ogaydeen oo ilaa maanta labada habeenimo haddii la i soo garaaco waan qabanayaa, waar ka loo igmaday xil inuu ummaddan u qabto ee aan qabanaynow oo aanad qof walba u jawaabayno waa mid lagu waydiin doono, qaarbaa markaad telefoonkooda garaacdo ku odhanaya maba jiro telefoonkaad garaacaysa,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Ismaaciil Aadan Cismaan.

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30834
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Ismacil Adan Cismaan Siilaanyo is the Mujahid

Postby Khalid Ali » Fri Sep 30, 2011 12:14 pm

I am wondering when will Ismacil adan cismaan reveal the secrets of Daahir rayaale kahin sirti weyneyd I asked him in 2009 in hargeysa and he said war tan hada la sheego Somaliland la islama joogi karo.

User avatar
Mr_Alfaas
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3439
Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland

Re: Ismacil Adan Cismaan Siilaanyo is the Mujahid

Postby Mr_Alfaas » Fri Sep 30, 2011 12:43 pm

so gacanyare do u really support ismail kan mise muuse biixi (muuse langadhe) :lol:

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 30834
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Ismacil Adan Cismaan Siilaanyo is the Mujahid

Postby Khalid Ali » Fri Sep 30, 2011 12:44 pm

Well suldaanku wuxu yidhi cidna ma tageeri kartid marka cidna ma tageersani hada berigi hore waxan tageeri jiray ismacil yare ileen wa nin rag ah ninka raga wala tageera

User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: Ismacil Adan Cismaan Siilaanyo is the Mujahid

Postby zingii » Fri Sep 30, 2011 12:47 pm

trying convincing that to CALI-GAAB.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests