Postby Cali_Gaab » Sun Oct 02, 2011 4:43 pm
Waxaa manta galinkii danbe ka dhacay waddanka Ingiriiska magaalada Sheffield oo ah caasimadda Gobolka Yorkshire, ka soo dhaca Waqooyiga Egland dil naxdin leh . Dilkan oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland. Wiilkan oo magaciisu yahay Mubaarak Axmed Xasan Cali Yare
(London-HNW) Waxaa manta galinkii danbe ka dhacay waddanka Ingiriiska magaalada Sheffield oo ah caasimadda Gobolka Yorkshire, ka soo dhaca Waqooyiga Egland dil naxdin leh . Dilkan oo loo geystay wiil dhalinyaro ah oo u dhashay Jamhuuriyadda Somaliland. Wiilkan oo magaciisu yahay Yaxye Axmed Xasan dadiisuna ahayd 24 sanno jir, waxaa iska dhalay laba qoys oo can ka ahaa Gobolka Togdheer, aabaha wiilkan geeriyooday dhalay ayaa ah Axmed Xasan (Like) oo ahaa waayo waayadii Burco. Halka hooyada dhashay wiilkana ay ka soo jeeday qoys can ah oo dhammaan Somaliland laga wada yaqaan, waa Muna Axmed Boodhle oo uu dhalay Ganacsadihii Axmed Boodhle.
Haddaba alle godka haw nuure waxaa uu u dhacay dilkaasi si naxdin badan, yadoo marxuumka la dilay uu hadda ka soo noqday Fasax uu ku joogay Somaliland. Haddaba galabta in taanu dilku dhicin wuxuu Marxuumku ka xiiranayay goob timaha lagu jaro, isagoo la socday walalkii oo ka yar. Markii uu goobtii ka soo baxay ayuu mindi ku soo weraray nin kale oo dhalinyaro ah oo ka soo jeeda qoomiyada Madowga Ingiriiska ku dhaqan. Halkaasna wuxuu ninkii werarka geystay qudha kaga jaray Marxuum Mubaarak Axmed Xasan Cali Yare, isagoo dilkaas u adeegsaday mindi ama Tooray sida qofba u yaqaan. Wuxuuna laba jeer ka galiyay caloosha iyo sanbabada. Markii ay goobta soo gadheen ciidamadda Police-ku wuxuu muddo yar kadib ku qudhbaxay Cisbitaalka. Dad kala gedisan oo aan kala xidhiidhay magaalada Sheffield ayaan wax ka waydiiyay sababta ay u halbeegsadeen nimankaas madowga ahi Marxuumka. Waxayna ii sheegen in arrinta ugu weyn ee ay ilaa hadda ka ogyihiin tahay aano ay nimankaasi u qabeen wiil ka weyn marxuumka geriyooday. Tasoo ay ugu areen marxuum Mubaarak Axmed Xasan Cali Yare
. Dhammaan jaaliyadda ku dhaqan magaalada Sheffield oo kamid ah magalooyinka ay sida khaaska ah u yalaan dadka ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland ayuu dilkani ku noqday mid argagax badan. Sidoo kale waxaa arrinta dilkan si weyn looga dareemay guud ahaan waddanka Ingiriiska.
Maha markii ugu horeysay ee dil noocan oo kale ahi ka dhaco magaalada Sheffield, dhawr bilood ka hor ayay ahayd markii gaadhi la jiidhsiiyay wiil u dhashay Somaliland. Sidoo kale magaalada Sheffild oo dadka jooga u badan yihiin dadkii soo galay horaantii sagashamaadkii waxaa inta badan laga soo sheega dhibatooyin ay kala kulmaan caruuta ku nooli, gaar ahaan markay gadhaan dada kuray nimada. Afar bilood uun ka hor waxay maxkamad ku taala magaaladasi xukun ku riday dhalinyaro ka badan 10, ku waas oo lagu helay danbiyo kala gedisan. Si kastaba ha ahaate wararka ay helayso shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa shegaaya in ciidamadda ammaanku caawa goor danbe gacanta ku dhigeen danbilihii geystay dilkan foosha xun. Hadaanu nahay bahada shabakadda Hadhwanaagmedia waxaanu tacsi tiraanyo leh u diraynaa Aabe Axmed Xasan (Like) Iyo Hooyo Muna Axmed Boodhle. Annagoo si murugu weyn ula tiraan yaysan, dhammaan shacabka Somaliland ee qurbaha ku dhaqana waaanu ka tacsiyadey naynaa dilka ku dhacay Marxuum