Xildhibaanadii Xisbiga UCID Kaga Jiray Golaha Deegaanka Ee Degmada Sallaxley Iyo Hogaankii Degmada Ee Xisbiga Oo Iscasilay Kuna Biiray Urur Siyaasadeedka Wadani
Hargeysa (Ramaas) Oct. 14, 2011- Qaar ka mida xildhibaanadii Golaha deegaanka degmada Sallaxley kaga jiray xisbiga mucaaradka ah ee UCID iyo hogaankii xisbigaas ee deegaankaas, ayaa maanta Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay in ay iska casileen xubinimadoodii xisbigaas.
Xubnahani oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hotelka Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, ayaa cadeeyay in ay ku biiraan urur siyaasadeedka Wadani oo uu hogaamiyo guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ka dib markii uu noqday xisbigii ay muddada dheer ka tirsanaayeen mid fadhiid ah oo aan horusocod lahayn.
Gudoomiyihii Degmada Salaxley ee UCID Md. Ismaaciil Aadan Caraale oo ugu horayn kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ka rajo dhigeen xisbigii ay ka tirsanaayeen ee UCID.
“ Aniga oo ah Gudoomiyaha Degmada Salaxlay ee xisbiga UCID, xidlhgibaanadii Golaha Deegaanka iyo xubnihii heer degmo ee xibigaasi waxaanu halkan kaga dhawaaqaynaa in aanu iska casilnay xisbigii UCID sababtoo ah ka dib markii uu noqday mid fadhiid ah, waxa kale oo aanu halkan kaga dhawaaqaynaa in aanu si rasmiya ugu biirnay Urur siyaasadeedka WADANI, oo hada wixii ka dambeeya aanu ka mid nahay hiil iyo Hooba aanu la garab taagan nahay.” Ayuu guddoomiye Ismaaciil Aadan Caraale.
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Xildhibabaan Axmed Aadan Ducaale oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Deegaanka Xisbsiga UCID ee degmada Salaxday ka soo baxay
“ waxaanu halkan ku muujinayaa hadaanu nahay Mudanyaasha degmada salaxlay in aanu ka soo diga roganay Xisbigii UCID, isla markanaana aanu u soo digo roganay Ururka WADANI, arintaasina waxa nagu kaliftay ka dib markii aanu in badan qayb ka soo hayn xibsigbii UCID isla markaana uu wax Hurumar ah samayn waayey, waxan aanu go’aansanay in aanu Taageeradayada iyo xoogayabada aan ku biirano ururka siyaasiga ah ee WADANI.”
Liiska Masuulyiinta Iska Casilay UCID uu ku biiray WADANI:-
1- Ismaaciil Aadan Caraale Gudoomihii UCID ee Degmada Salaxlley
2- Axmed Aadan Ducaale Xildhibaan Golaha Deegaanka
3- Axmed Ibraahim Cabdi Xildhibaan Golaha Deegaanka
4- Cabdi Salaan Jibriil Xildhibaan Golaha Deegaanka
5- Faysal Aadan Ibraahim Xildhibaan Golaha Deegaanka
6- Maxmed Cismaan Xasan Gudoomiya Garabka Dhalinyarada
7- Rashiid Cabdilaahi Gudida Degmada ee UCID
8- Cabdiraxmaan Ismacil Aadan Gudida Degmada ee UCID.




