Mas'uul sare oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa talooyin iyo waano u jeediyay qaar katirsan beelaha Soomaaliyeed ee caanka ah kuwaasi oo sanadadii dambe la shaqeynayay cadawga.
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ah madaxda Mujaahidiinta Somaaliya in mudda ahna kusoo jiray dacwada iyo jihaadka Soomaaliya ayaa beelaha Abgaal,Majeerteen iyo Ogaadeen ugu baaqay in ay Alle ka baqaan oo ay joojiyaan gaalada ay la shaqeeyaan.
Isagoo Kumanaan shacab ah kula hadlayay duleedka Muqdisho ayuu beelaha kor ku xusan ku Eedeeyay in ay gaalada lashaqeeyaan ayna ka hiiliyaan difaaca diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda.
Ugu Horeyn Beesha Abgaal ayuu sheegay in ay tahay beel dadkeeda ay Qur'aanka sifiican u yaqaanaan kheyrna loo rejeynayo sidaasi oo ay tahayna ay dhan ubadatay oo ay lasoo shaqeysay Itoobiya hadane ay AMISOM iyo shariif Sheekh Axmed lashaqeyso.
"Abgaalow Ilaah ka baqa oo ka hara gaalada aad daba ordeysaan dadka Ahlu Qur'aan ah ayaan idinku ogeyn, Majeerteenow joojiyo gaalada cadawga ah ee aad la shaqeynaysaan"ayuu yiri Sheekh Xasan.
Mas'uulkan katirsan Mujaahidiinta ayaa beelaha Ogadeen in Majeerteen uga digay in ay cadawga shisheeye kusoo hogaamiyaan dalka Soomaaliya wuxuuna ku baaqay Alle ka cabsi iyo in dadka Muslimiinta ah allahooda lagu xiro oo aan Itoobiya iyo Kenya oo gaalo aan lagu xirin.
Beesha Ceyr ayaa dhawaan Heshiis taariikhi ah lagashay xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaana socda tartan ay beelaha Soomaalida ay diinka alle ugu gargaarayaan.




