Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

We want Justice

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: We want Justice

Postby The_Emperior5 » Thu Dec 08, 2011 4:13 pm

Wasiirka Arrimaha Gudaha Duur Oo Shaaca Ka Qaaday Inay Xukuumaddu Qabatay Ciddii Ka Danbaysay Falkii Saameel Dilkana Ku Tilmaamay Mid Aan Nabadgelyo Darro Ahayn
December 9, 2011
By staff-reporter
Wasiirku waxa uu sheegay in shaqaaqooyinkii Ceerigaabo ka dhacay iyo ta ka dhacday degmada Saameel ay xidhiidh leeyahiin “qaabka la iskugu soo beegay anagoo tii Ceerigaabo ka soo noqonay soo dhamaystiray, beelahii heshiisiinay ayaa tanna dad dan gaar ah ka lahi ay sameeyeen, eeg tabta iyo xeeladda waxaa la bartilmaameedsaday beelo muddo xasillooni, nabadgelyo iyo walaalnimo dhex taallay” ayuu yidhi Wasiirka Daakhligu


Hargeysa (Halbeegnews)– Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur oo maanta weraysi ku siinaayey xafiiskiisa magaalada Hargeysa Telefishanka afka Xukuumadda ku hadla, ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigeen cidda loo tuhmayo inay ka danbeeyeen falkii lagu dilay seddexda qof ee ku dhintay degmada Saameel ee u dhexeysa degmooyinka Gabiley iyo Dila.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland oo sharaxaad ka bixinaya dadkaasi la qabtay qaybaha ay u qaybsamaan wuxuu yidhi “dadka aanu hadda hayna dhawr qaybood ayey iskugu jiraan, qaar aanu ku tuhmayno inay falkaasi ka danbeeyeen oo ay gacanta ugu weyn ku lahaayeen oo ay iyagu abaabuleen, qaar aanu u qabanay qaab odaynimo ah oo ka mid ah dhinacii la eedaynaayey iyo qaar ka mid ah warbaahinta oo hadalo kicin ah sameeyey” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha gudahu.

Wasiirka oo aan faah-faahin ka bixinin ama magacaabin shakhsiyadaha ay u qabteen falkani ee ka danbeeyey dilkaasi deegaanka Saameel ee Ceelbardaale ayaa wuxuu sheegay in ay yahiin eedaysanayaal danbigaasina lagu soo caddayn doono, wuxuu sidoo kale Wasiirku sheegay in shaqaaqooyinkii Ceerigaabo ka dhacay iyo ta ka dhacday degada Saameel ay xidhiidh leeyahiin “qaabka la iskugu soo beegay anagoo tii Ceerigaabo ka soo noqonay soo dhamaystiray, beelahii heshiisiinay ayaa tanna dad dan gaar ah ka lahi ay sameeyeen, eeg tabta iyo xeeladda waxaa la bartilmaameedsaday beelo muddo xasillooni, nabadgelyo iyo walaalnimo dhex taallay” ayuu yidhi Wasiirka Daakhligu

Wasiirka oo la weydiiyey in lagu eedaynaayo Xukuumadda uu ka tirsanyahay inay ammaankii dalka ka seexatay wuxuu ku jawaabay in kooxo uu ku tilmaamay Odayaal siyaasadda ku hadhay iyo Urur yar yar waa sida uu hadalka u dhigaye oo socod barid ahi Xukuumadda aanay u tilmaamayn amaanku wuxuu yahay “kollay waan maqlaayey qaar odayaal ah oo siyaasadda berri hore ku hadhay iyo ururo yaryar oo socod barid ahi meelahaasi ay waxaasi ka lahaayeen, waar anaga ammaanka dalku na saaranyahay idinkana og, nabadgelyo darro dalka kama jirto, dil ayaa dhacay dilkuna maaha nabadgelyo darro meel walbana wuu ka dhaca, meelaha ugu nabadda badan ayuu ka dhaca” ayuu yidhi.

Wasiirku wuxuu si dadban ugu eedeeyey dhinaca gobolka Awdal inay kaga baxeen ballan ayuu yidhi ay Xukuumaddu kula gashay in markii falku dhacay sii aanay dhib danbe u dhicin balse ayuu yidhi dhimasho kale dhacday maydkaasi oo lagu aasay Gabiley.

Hadalka Wasiirka oo aan caddayn cidda ay hadda u qabteen falkani ayaa ilaa hadda inta la ogyahay ee ay Xukuumaddu falkani u qabatay waxaa ka mid ah La Taliyahii dhinaca siyaasadda ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Abiib Diiriye Nuur Timacad, Sheekh Maxamuud Raage iyo Odayaal ka soo jeeda deegaanka Gabiley ma cadda dhinaca uu ula jeeday Wasiirku inay yahiin dadka lagu hayo danbiga ah inay fakaasi ka danbeeyeen.


source Awdalpress

User avatar
BankiiTuuyo
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 838
Joined: Sat Jul 18, 2009 1:08 pm
Location: DADKA ku beerlaxawsanaya somalia wa la gumeysanaya who cares soo maydaan burburin !

Re: We want Justice

Postby BankiiTuuyo » Thu Dec 08, 2011 4:49 pm

ahhahahahhahaa what did you say you silly mutherfucker you want justice war calm the fuck down dad safar ku jira iyo dadki hurday gacan ku dhiiglayaashii diley so qabta iyaga justice u baahan ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe bunch of cowards

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Re: We want Justice

Postby SahanGalbeed » Thu Dec 08, 2011 5:22 pm

.


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 11 guests