Gedo: Al Shabaab oo dagaal looga qabsaday deegaano badan
Ceel-cadde: (Sh. M. Network) Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Kenya ayaa la sheegay inay dagaal ay ku qabsadeen deegaano badan oo ay ka talin jireen Al Shabaab ee gobolka ee Koofurta Soomaaliya.
Sida ay xaqiijinayaan wararka ka imaanaya deegaano iyo tuulooyin ka tirsan gobolka Gedo, waxaa maanta Ciidamada Milatariga dowladda Kenya iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya ay la wareegeen deegaano badan oo ka tirsan Gedo oo ay horey gacanta ugu hayeen Xarakada Al Shabaab.
Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda KMG Soomaaliya oo isku dhaf ah ayaa lagu soo waramayaa in dagaal xoogan oo qasaaro badan dhaliyay ay ku qaadeen fariisimo badan oo ay Gedo ku laheyeen Ciidamada Al Shabaab.
Saraakiil ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa Shabelle u sheegay sheegay inay gacanta ku dhigeen deegaanada Takoora, Bay-jamaal, Dhegalaab, Jungal, Makooley, Ceel-cadde iyo Ceel-gaduud kuwaasi oo guud ahaantoodu ay gacanta ku hayeen Xarakada Al Shabaab.
Dagaalka ayaa waxa uu ahaa mid aad u culus, waxaana Madaafiic ay is weedaarsaneyeen labadaasi dhinac mid ka mid ah uu ku dhacay Tuulada Dhegalaab, halkaasi oo la sheegay inay ku dhinteen qoys la sheegay in uu ku habsaday Madfac.
Sidoo kale dagaal ayaa isna waxaa uu ka dhacay nawaaxiga degaanada Qooqaani iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose kadib markii ay iska hor yimaadeen Ciidamo ka kala tirsan Milatariga Kenya iyo kuwa Xarakada Al Shabaab.
Halkaasi waxaa la tilmaamay in uu ka dhashay qasaaro, waxaana dagaaladaani la tilmamay in xoogoodii uu ka dhacay deegaanada gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya, sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda KMG ah.
Ugu dambeyn majiro waxa war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada Al Shabaab oo ku aadan deegaanada la tilmaamay in lagala wareegay, hase ahaatee xaaladda goobihii lagu dagaalamay ayaa waxaa lasoo warinayaa in wali ay tahay mid kacsan islamarkaana wali dagaalada ay ka socdaan.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
http://shabelle.net/article.php?id=14144