Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Galkayo gets a new university

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Galkayo gets a new university

Postby damu » Sat Jan 14, 2012 9:44 pm

Waxaa Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug si rasmi ah looga furay Jaamacad cusub oo ku soo biiraysa Saaxada Waxbarashada ee gobolka Mudug taasoo loogu magacday Jaamacada Caalamiga ah ee Magaalada Gaalkacyo (Galkacyo International University) Iyadoo Xaflad balaaran oo lagu furayey Jaamacadani ay ka dhacday Daarta Amal Plaza ee Magaalada Gaalkacyo halkaasoo ay furitaanka jaamacadan ka qaybgaleen boqolaal dadweyne ah, Madaxda maamulka gobolka, Ururada waxbarashada, Maamulka waxbarashada ee gobolka Mudug, Waalidiin iyo Arday aad u farabadan halkaasoo lagu soo bandhigay furitaanka Jaamacada iyo himiladeeda fog ee ku aadan inay qayb ka noqoto hormarka Waxbarashada dhanka jaamacadaha ah ee Sanadihii lasoo dhaafay ay Puntland gaaraysay.

Furitaankii Jaamacada waxaa ka hadlay Kamaal Sheekh Xuseen Maxamed oo kamid ah maamulka Jaamacada cusub ee (GIU) isagoona sheegey in Jamaacadu ay tahay mid gaar loo leeyahay islamarkaasna ay diyaar u tahay inay ka shaqayso buuxinta baahiyaha waxbarashada iyo Xirfadaha ee ka jira gobolka Mudug taasoo uu sheegey in jaamacadan uu dhalay Machadkii Maaraynta & Maamulka ee SIMBA oo kamid ahaa Macaahida ugu waaweyn gobolka Mudug kaasoo uu sheegey in uu ilaa sanadkii 2005-tii Machadka Maamulka iyo Maaraynta ee Simba ku mashquulsanaa hormarinta qaybaha uu quseeyey kadiban kulamo dheer iyo wadatashiyo badan oo ay sameeyeen ay ku go’aansadeen in Machadkaas loo badalo jaamacad sidaas darteedna ay Jaamacada GIU uga dhawaaqeen magaalada gaalkacyo, Maamulka Jaamacadu wuxuu sheegey in Jaamacadu adeegyadeeda ay kamid ahaanayaan qaybaha kaladuwan ee Waxbarashada luuqada gaar ahaana:

Image

Faculties (Degree Programs).

-Bachelor Of Business Administration
-Bachelor Of Information Technology (IT).
-Bachelor of Human Resource Managemnet
-Bachelor of Shari’a And Law.
-Bachelor of Economics.

Diploma Programs.

-Diploma English Language
-Diploma In Business Management
-Diploma in Human Resources Manegment.
-Diploma in Accounting
-Diploma In Computer Applications
-Diploma in Project Management
-Diploma in Operatiopn of Manegment
-Diploma in Logistics

Image

Gudoomiyaha gudoonka waxbarashada ee gobolka Mudug Mudane, Bashiir Axmednuur Khalaf oo ka hadlay Furitaankii Jaamacada Caalamiga ah ee Gaalkacyo ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay jaamacada cusub ee magaalada laga furay isagoona sheegey inuu rjaeynayo inay soo kordhiso barnaamij wanaagsan oo waxbarashada gobolka kor usii qaadaya, Bashiir Axmed Khalaf ayaa ka codsaday madaxda GIU inay ku dadaalaan in ay ka qaybqaataan taageerista waxbarashada gabdhaha oo uu sheegey inay tahay mid muhiim ah loona baahanyahay.

Image

Duqa magaalada Gaalkacyo Gol.Siciid Cabdi Faarax oo isna ka hadlay Xafladii lagu furayey jaamacada Caalamiga ah ee Gaalkacyo (GIU) ayaa sheegey in maamulka degmada Gaalkacyo uu soo dhawaynayo dadaal kasta oo lagu hormarinayo Waxbarashada degmada, wuxuuna Gudoomiyaha degmadu ku dheeraaday muhiimada ay leedahay Waxbarashada gaar ahaana waxbarista Gabdhaha oo uu sheegey inay tahay mid muhiim ah kana qaybqaadan karta hormarka bulshada.

Xaflada ayaa intii ay socotay lagu soo bandhigay riwaayado iyo Barnaamijyo kaladuwan oo nasiino iyo Wacyigelin dhanka waxbarashada ah isugujiray iyadoona ay ka hadlay qaybo kaladuwan oo bulshada gobolka Mudug kamid ah kuwaasoo si iskumid ah u sheegey inay rajeynayaan in Jaamacada cusubi ay noqoto mid hormar usoo siyaadisa gobolka Mudug, Gabagabadii xaflada ayaa Maaamulka Jaamacadu ku dhaawaqay in Jaamacadu ay bixinayso deeq waxbarasho oo inteeda badan lagu taageerayo Gabdhaha ayna gabdhuhu yeelan doonaan 70% (Boqolkiiba Todobaadan) deeqda ay jaamacadu bixinayso.

Image

Image

Image

User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Galkayo gets a new university

Postby damu » Sat Jan 14, 2012 9:47 pm

East african university Puntland state university and now Galkayo international university :up:
education is the forward!!

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Re: Galkayo gets a new university

Postby quark » Sat Jan 14, 2012 10:12 pm

East african university Puntland state university and now Galkayo international university :up:
education is the forward!!
mashallah, yes it is :up:


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 2 guests