Ceel Daahir oo Xaafad cusub laga dhisayo isla markaana Town Planing leh
Posted by Webmaster01 on January 18, 2012 in Warar | 0 Comment
Xaafada Mansoora City Waa Xaafada Cusub Oo Ka Tirsanaan doonta Magaalada Ceeldaahir Waxaana Hada Ku Socda Dhisme Aad U Balaadhan, Xaafadan Cusub Ayaa Waxaa In Mudo Ahba Ku Jirey Hosheeeda Iyo Sidii Loo Dhisi Lahaa Shacabka Magaalada Ceeldaahir Oo Iminka Aad Moodid In Ay U Soo Jeensadeen In Ay U Tartamaan Heer Degmo.
Xaafada Moonsora Waa Xaafad Loo Sameeyey Town-Planning Oo Yeelan Doonta Xarun Waxabarasho , Xarun Caafimaad, Iyo Suuq U Gaar Ah Oo Lagu Iibin Doono Adeega Dad-Weynaha, Xafadan Ayaa Waxay Noqon Doontaa Xaafadaha Fara Ku Tiriska Ah Ee Qaaabkan Oo Kale Loo Dhiso Hal Mar Iyada Oo Si Wanaagsan Looga Baaran-Degey Qaabkii Ay U Dhismi Lahayd.
Guud Ahaan Magaalada Ceeldoofaar Ayaa Sanadan Danbe Waxaa Ka Socda Horumar Aad U Xoogan, Iyada Oo Sidoo Kalena Laga Hirgeliyey Beero Qudaarta Soo Saara Oo Aad U Fara Badan. Magaalada Ceeldaahir Waxay Magaalada Boosaaso U Jirtaaa 90 Km Waxayna Ku Taalaa Xuduuda U Dhexaysa Gobolada Sanaag Iyo Bari.



