DUABAI: Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Dubai
January 20, 2012 2:17 pm GMT - Written by PP - Edited by PP
Dubai: (pp)- Waxaa xalay abaarihii 8 dii fiidnimo ka soo degey dubai International airport madaxweynaha Dawlad Goboleedka Puntland Dr. C/raxmaan Sheekh M.M. Farole iyo wafdti ballaaran oo uu hogaaminayey, waxana si diiran nugu soo dhaweeyey magaalada Duabi jaalliyada reer Puntland ee ku dhaqan Isutagga imaaradka carabta.
Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland oo gaaray Dubai
Madaxweynaha oo ay wejigiisa ka muuqatey farxad ayaa isaga oo dhoola caddaynaya mid mid u gacan qaaday una mahadceliyey dad fara badan oo safnaa gudaha iyo debedda airporka . sidoo kalena jaalliyadda oo ku faraxsan soo dhaweynta madaxweynaha ayaa ugu hambalyeynayey guulaha xagga horumarka iyo siyaasadda ee madaxweynaha iyo maamulkiisu ku tillaabsaday dhawaanahan .
Madaxweynaha ayaa safarkiisa waxaa ku weheliyey xubna ka tirsan xukuumaddiisa oo ay mid yihiin wasiirka arrimaha guddaha iyo horrumarinta reer miyiga iyo dawladaha hoose Gen. C/laahi axmed jamac (Ilkajiir) iyo Agaasiamaha Hay’adda Petrolka iyo macdanta Puntland Dr. Ciise Dhoollawaa iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada puntland , sidoo kale waxa ka mid ahaa Waftiga madaxweynaha Murwada madaxweynaha marwo Amina Abiib, Waxaana loo sii galbiyey Hotel Crown Plaza oo ku yaal Magaalada dubai, halkaas oo la filayo inuu madaxweynuhu kula kulmi doono shirkado ajnabi ah oo gacan weyn ka geysan doona horrumarinta Puntland iyo weliba saraakiil sar sare oo ka tirsan dawladda Imaaraadka.
Safarka Madaxwayne Faroole ayaa illo hoose waxay sheegayaan inay la xiriirto sidii loo hormarinlahaa siyaasada,horrumarka arrimaha bulshada iyo sidii looga guulgaari lahaa qayraadka dabiicga ah ee dhex ceegaaga deegaanada Puntland.






