Intresting development
Caabudwaaq, Somalia (AOL) – Mas’uuliyiinta dowlad goboleedka bartamaha Somalia ee ku sugan magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa halkaas ka wado shirar wada-tashi ah oo ay la yeelanayaan qeybaha kale duwan ee bulshada sida odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, waxgaradka, aqoonyahanka, haweenka iyo dhallinyarada.
Shirarkan ayaa ujeedadoodu tahay sidii loo dhameystiri lahaa qeybaha maamulka ee dhan sida soo xulashada baarlamaanka Somali Central State, qaab shaqeynta maamulka iyo sida ay tahay in loo howlgalo, waxaana qorshuhu yahay in marka ay shirarkan dhamaadaan lagu dhawaaqo baarlamaanka maamulka.
Madaxweynaha maamulka bartamaha Somalia Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo kamid ah xubnaha Caabudwaaq jooga ee shacabkiisa la hadlayo ayaa yiri “Ujeedada aan kulamadan wada-tashiga ka leenahay waa in aan yar iyo weyn dadka ka qeybgelinayo qaabka aan wax u wadi karno, waayo kama maarano taladooda iyo aragtidooda’’.
Mudane Carabey wuxuu muujiyey in sida ugu dhakhsaha badan loo heli doono baarlamaanka SCS, isagoo xusay in dadweynuhu ku qanacsan yahay dhaqdhaqaaqa socda.
Tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore waxaa gobolka Galgaduud socdaallo ku marayey madaxda maamulka SCS oo ka dhabeeyey ballanqaadkoodii ahaa in ay tagayaan deegaannada ay magacooda wataan.