Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

S/Land Doing Damage Control.

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

S/Land Doing Damage Control.

Postby zingii » Fri Feb 03, 2012 7:41 am

Taliyaha Milatariga Somaliland oo ka hadlay dagaalkii Buuhoodle ka dhacay iyo Shirkii beelaha Sool ee Taleex


Jimco, Feberaayo 03, 2012 (HOL) − Taliyaha Ciidanka Milatariga Somaliland, Jen. Maxamed Xasan Jidhif ayaa Hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Milatariga Somaliland sanad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidankaasi.

Taliyuhu waxa kale oo uu ka hadlay dagaalkii Deegaanka Buuhoodle iyo xoojinta nabadgalyadda Somaliland iyo shir beeleedkii ka dhacay degmadda Taleex ee gobolka Sool.

" Gobolka Sool waxa ku soo duulay rag siyaasiyiin ah, kaas oo aan deegaanka habayaraatee waxba u qaban, caafimaadkii ummadda waxba ugu maqaban, noloshooda kale waxba ugu tarin, waxbarashadii waxba kama qaban, isaguu meelaha qurbaha ayuu ku nool yahay, caruurtiisu jaamacadaha dibadda ayey dhigtaan, nolol fiican bay ku nool yihiin, dawladda Somaliland dadaalka ugu jirto sidii arrimahaasi wax loogu qaban lahaa "ayuu yidhi taliyaha ciidamada Milatariga Somaliland.

"Beeluhu way shiri karaan wayna shiri jireen, Xukuumadda Somaliland waxay moodaysay shirkaasi in beesha Sool danahoodda kaga shirayaan, maadama oo ay gogol nabadeed taallo, waxa ay halkaas ku gooyaana ay kula iman doonaan gogoshii uu madaxweynuhu u fidiyey " ayuu yidhi isagoo ka hadlaya shirkii ka soo baxay magaaladda Taleex.

Mar kale isagoo ka hadlaya dagaalkii deegaanka Buuhoodle ka dhacay wuxuu yiri:"Maalintii odaygaasi yimid (Cali Khaliif Galaydh) reer Buuhoodle waxay isku qabteen laba arrimood, qaar waxay soo jeediyeen ninkan inaga daaya waxba inooma side, dagaal buu inoo sidaaye iyo qaar taageersan, marka dagaalka la sheegayaa waxa weeyi labadda kooxood weeyi, marka halkaas marayso cutub ka mid ah ciidamadayda ayaa kala dhexgalay dagaalkaasi si aanay dhibaato uga soo dhicin" ayuu yidhi.

" Haddii aad aragtaan gaadhi ciidanku leeyahay, wuxu ahaa gaadhi weyn oo xamuul ah ciidaamada jooga Buuhoodle oo Somaliland ah ayuu gaadhigu u waday Raashin, marka qoladii kale ee Nabadiidka ahaa ayaa isagoo gaadhigii gaadhin ciidankii dhexda ku qabtay" ayuu yidhi mar uu ka hadlayey gaadhi Saad ah oo gacanta u galay maleeshiyo Beeleedka Buuhoodle.

"Anigu waan aqaanaa dagaalka askarigaygana ma lumiyo, inkastoo dagaalku khasaare iyo dhimasho leeyahay hadana aniguu ilaa 1977 kii dagaal uun baan ku jiray, marka waligay maan arag noloshayda meel dagaal aan galay khasaare iga soo gaadhay, ciidamada meel halis ah oo dhibaato ka soo gaadhayso uma diro, marka yaan arrintaasi la buunbuunin waxba kama jiraan, kuwan iyo kuwaasiba labada waanu ilaalinaynaa, balse waxaanu ka difaacaynaa uun fidmawadayaasha" ayuu yidhi Gen: Jidhif

Taliyuhu waxa uu sheegay in Madaxweynuhu ku amray in aan ciidamaddu ilaaliyaan dadka shacabka si aanay dhibaato usoo gaadhin " madaxweweynuhu wuxu yidhi yaanay magaaladda, dadka, dumarka iyo Caruurta wax la yeelin, mana jirto ciidamada Qaranku cid dadkaasi oo dhibaato ka soo gaadhay ciidanka, hal qof oo caruur ah ama dumar ah oo ciidanka dhibaato ka soo gaadhay ma jirto"

Taliyuhu isagoo ka hadlaya sababta ay u baaqatay xafladii loogu dabaal degi jiray maalinta ciidanka Milatariga waxa uu yidhi " Sharciga Ciidanka ayaa dhigaya in marka uu Taliyuhu xilka hayo muddo gaadhaysa Lix bilood uu qaban karo Sanad-guurada Ciidanka qaranka, ana xilka waxaan hayey 45 maalmood, taas oo aan saamaxayn in aan warbixin dhamaystiran soo diyaariyo, taas ayaa keentay inay xafladii baaqato, meelo badan ayaanan soo marin, xeebta maan soo marin, Ceerigaabo meelo badan ayaanan soo marin, marka wax la hubo oo aan soo taabto ayaan ka warbixiyaa, taas ayaa keentay in xafladaasi baaqato "ayuu yidhi

Taliyuhu waxa uu Shacabka reer Buuhoodle iyo Sool u soo jeediyey inay Nabadgelyadooda ilaashadaan, isla markaana ay iska fogeeyaan qab-qableyaasha dagaalka ku oogaya deegaanadaas, waxaanu ka dhawaajiyey in Sunaha dawladnimo uu yahay in Ciiddamada Somaliland ay sugaan Xuduudaha Somaliland.

Sanad-guuradda 19aad ee ka soo wareegtay aasaaska ciidanka Milatariga Somaliland ayaa ku beegan labada bisha Februay,kaas oo sanad kasta loo qabto xaflad loogu dabaal degayo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland

User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: S/Land Doing Damage Control.

Postby zingii » Fri Feb 03, 2012 7:53 am

Hommie making the whole fiasco about inter clan war-fare.
As he puts it and would like us to believe, the war is between
pro galayr dhulos VS anti galayr dhulos, and they the northern
somalia administration militia are there to mediate the factions
that are goint at it (dhulo vs dhulo). :lol:
Mar kale isagoo ka hadlaya dagaalkii deegaanka Buuhoodle ka dhacay wuxuu yiri:"Maalintii odaygaasi yimid (Cali Khaliif Galaydh) reer Buuhoodle waxay isku qabteen laba arrimood, qaar waxay soo jeediyeen ninkan inaga daaya waxba inooma side, dagaal buu inoo sidaaye iyo qaar taageersan, marka dagaalka la sheegayaa waxa weeyi labadda kooxood weeyi, marka halkaas marayso cutub ka mid ah ciidamadayda ayaa kala dhexgalay dagaalkaasi si aanay dhibaato uga soo dhicin" ayuu yidhi.

When asked if that was the case why cancel the militia parade that they held every year and his answer was: :lol:
Taliyuhu isagoo ka hadlaya sababta ay u baaqatay xafladii loogu dabaal degi jiray maalinta ciidanka Milatariga waxa uu yidhi " Sharciga Ciidanka ayaa dhigaya in marka uu Taliyuhu xilka hayo muddo gaadhaysa Lix bilood uu qaban karo Sanad-guurada Ciidanka qaranka, ana xilka waxaan hayey 45 maalmood, taas oo aan saamaxayn in aan warbixin dhamaystiran soo diyaariyo, taas ayaa keentay inay xafladii baaqato, meelo badan ayaanan soo marin, xeebta maan soo marin, Ceerigaabo meelo badan ayaanan soo marin, marka wax la hubo oo aan soo taabto ayaan ka warbixiyaa, taas ayaa keentay in xafladaasi baaqato "ayuu yidhi


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 13 guests