Postby AhlulbaytSoldier » Sat Feb 04, 2012 8:36 am
Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay
ka qeyb galayaan shirka 23- ka bishan Febraayo
ka dhici doona Magaalada London ee dalka
Ingiriiska, kaasoo ay horay u iclaamisay
Dowladda Ingiriiska.
Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed
C/llaahi Cumar ayaa sheegay inay diyaar u yihiin
inay ka qeyb galaan shirka, kadib markii ay isku
raaceen saddexda xisbi ee ka jira Somaliland iyo
Xukuumada.
Isagoo wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga
ee BBC-da ayuu sheegay 80% ay taageersan
yihiin shirkaa Shacabka Somaliland, isagoo
tilmaamay inay shirkaas u arkaan fursad
Somaliland isu taageysa qadiyadooda gooni isu
taaga ah, iyo in caalamka uu u aqoosano inay
dal madax banaan noqdaan.
“Waxaa noo muuqata in shirkani uu muhiimad
gaar ah iyo fursad gaar ah siinaya Somaliland,
Somaliland waxay uga qeybgaleysa sifo la mid
ah dalalka caalamka ee ka qeybgalaya shirka,
arrimaha xaganabad galyada, la dagaalanka
argagixisada iyo sidii mucaawino loogu heli laha
Somaliland, iyo iyada oo Somaliland heleyso
fursad ay dalalka caalamka ee ka qeybagalaya
shirkaasi ugu bandhigi laheyd qadiyadeeda
gooni isu taaga,” ayuu yiri Maxamed C/llaahi
Cumar
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo
ayaa dhowaan sheegay in ka qeyb galka shirka
London ay la tashi kala sameynayaan shacabka
iyo Saddexda Xisbi ee ka jira Somaliland, ha
yeeshee waxaa dadka Somaliland qaarkood is
weydiinayaan sababta Somaliland u ogolaatay
inay ka qeyb gasho shirkaas, iyadoo horay u
qaadici jirtay shirarkii Soomaalida ee horay loo
qabtay.
Laakiin Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland
ayaa ku qanciyay dadka Somaliland in shirkan uu
ka duwan yahay shirarkii hore, isla markaana
Somaliland ugu jirto fursad ay ku gudbin karto
afkaarteeda dhinaca siyaasada sida uu yiri.
Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in
shirka London uu yahay mid fursad u ah aayaha
Soomaaliya, iyadoo shirarka uu ka duwan yahay
shirarkii hore, marka loo eego diyaar garowda
iyo dadaalka Britain ugu jirta xaalada
Soomaaliya.
In ka badan 50- Dowladood oo ay ku jiraan
Ururo Caalami ah ayaa lagu casuumat shirkaas,
waxaana Dowladda Britain sheegay in xaalada
Soomaaliya ay fursad ka jirto, kadib markii Safiir
u soo magacawday, isla markaana Khamiistii uu
booqday Muqdisho Xoghayaha Arrimaha Dibada
Britain William Hague.
Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Maamulada
Puntland, Galmudug, Ahlusuna iyo Maamulka
Somaliland ayaa lagu casuumay shirka London,
waxaana soconaya diyaar garow ballaaran oo
loogu jiro qaban qaabada shirkaas.
279 Ayaa aqrisatay
Jowhar.com