Buuhoodle(Pi) Dowlada Puntland ayaa si qodo dheer uga hadashay xaalada deegaanada Gobolada Ceyn iyo Sool, Wasiirka Kaluumaysiga Puntland Eng.Maxamed Faarax Aadan oo iminka ku sugan Buuhoodle ayaa si qodo dheer uga hadlay Xaalada deegaanka iyo heerka uu gaarsiisan yahay awooda maamulka Puntland ee Deegaanadaas. (Shirkii jaraa’id ee wasiirka oo muuqaal ah qoraalka hoostiisa ka daawo)
Wasiirka oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Buuhoodle ayaa hoosta ka xariiqay in maamulka Puntland aysan marnaba aqbalayn in deegaanka ay cidkale ka taliso ama soo weerarto.
Wasiirka oo ka hadlaya dagaaladii dhowaan ka dhacay deegaanka wuxuu yiri “Waan difaacney magaalada, waana ka saarney maleeshiyaadkii Soomaaliland ee kusoo duuley , waxaan idiin sheegayaa in ay deegaanka joogan ugu yaraan 630 askari oo bileys iyo Cidanka lugta isugu jira kuwasoo ka tirsan Ciidanka Puntland, waxayna diyaar u yihiin difaca dhulka.”
Eng.Maxamed Faarax Aadan wuxuu kaloo sheegey in Puntland ay dhakhso usoo ceshaneyso golka Sool iyo deegaaanada kaleba. Hoos ka Daawo shirkii Jar’aaid





