Moderators: Moderators, Junior Moderators







LMAO... thanks BV, this was UM's topic I just added to it in his absence.UM![]()




Isbitaalkii igu weynaa ee Gobalada Dhexe ayaa la dhagaxdhigay maanta iyadoo dadweynaha ku nool Goboladaas ay soo dhaweeyeen isbitaalkaan cusub ee la doonayo inuu haqabtiro baahida isbitaal ee dadkaas u hamuunqabaan.
Isbitaalkan ayaa loogu talagalay inuu haqabtiro baahida Isbitaal ee ay u baahanyihiin dadka Goboladaas degan ee iyagu ladaalaa dhacayay dhibatooyin xaga Caafimaadka ah mudana aan helin Isbitaal daboola baahida dhicnaca caafimaadka ah
Waxuu ka koobanyahay Isbitaalkan qeybo kala duwan sida qeybta Dhalmada,qeybta Caruurta,qeybta Qaliinka,qeybta Jiifka,qeybta Bukaan socodta Qeybta TB-da,qeybta Cudurada Guud,qeybta Maamulka iyo qeybta Daawada ama farmashiyaha.
Isbitaalkaan ayaa waxaa hirgalinaya Hay’ada Deegaan Foundtion,iyadoo lakaashanaysa Hay’ada TARDO ee Mashruucyada ka Fulisa Soomaaliya waxey Hay’da Deegaan ay Mudaba ku howlaneyd sidii loo hirgalinlahaa Isbitaalkaan oo hada howshiisa u Muuqato mid soo gabangaboobaysa.
Isbitaalkaan ayaa laga dhisayaa Dagmada Cadaado ee Caasimada Ximan iyo Xeeb waxaana soo dhaweeyay dhamaan dadka deegaanka oo sheegay inay ka qeyb qaadanayaan si ay hormar dhinaca caafimaadka ah u gaaraan
Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo xeeb ayaa soo dhaweeyay dhismaha Isbitaalkan waxuuna sheegay in loobaahanyahay in la taageero Isbitaalka si baahida caafimaadka ay u yaraato













Return to “Provinces - Galguduud”
Users browsing this forum: No registered users and 3 guests