Reer Mogadishu Have Fully Accepted Governance Over Anarchy, How & What The PM Was Welcomed With Speaks Volume About The Political Revolution, Set In Motion With The Garowe Principles. And The London Conference Full Commitment To The Enforcement Of The Garowe Principles. PM Cabdiwali Mohamed Cali Gaas Dastuurka Qaranka, Welcomed Home Like The True Somali Hero He Is Indeed.

DASTUURKA QARANKA PM CABDIWALI GAAS RETURNS TO CAPITAL
Raysal wasaare Gaas oo Muqdisho si heersare ah loogusoo dhaweeyey(Sawiro)
Muqdisho(Pi) Raysal wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiwali Mohamed Cali Gaas ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho ka dib markuu kasoo laabtay safar dheer oo uu Dalka dibadiisa ugu maqnaa, Raysal wasaare Gaas ayaa dhiniciisa warbixin ka bixiyey safarkiisii dibada.
Raysal wasaare Gaas ayaa ugu horayn u mahad celiyey Haweenka Soomaaliyeed isagoo ugu hambalyeyey maalinta haweenka ee 8 maarso, wuxuu kale Mudane Gaas warbin kooban ka bixiyey safarkiisa isagoo sheegey in shirkii London uu ahaa mid guul ku dhamaadey, caalamka indhohoodana usoo jeediyey Soomaaliya.
Raysal wasaare Gaas wuxuu kaloo sheegey inuu la kulmay Qurba joogta Soomaaliyeed ee UK, Norway iyo Sweden uuna kala kulmay niyad furaan iyo rajo wanaagsan.
Raysal wasaare Gaas wuxuu kaloo sheegey in safaradiisii Bruxeles, Oslo iyo Stockholm uu kula kulmay Masuuliyiinta wadamadas iyo Midowga Yurub waxayna soo dhaweeyeen dadaalada ay wado Soomalaiya iyo qorshaha Roadmap-ka, waxayna balan qaadeen inay garab istaagayaan shacabka Soomaaliyeed.
Raysal wasaare gaas wuxuu kaloo sheegay in kulamadiisii ugu dambeeyey uu Nairobi kula kulmay Dublamaasiyioin ay kamid yihiin safaaradaha Maraykanka, Norway iyo Talyaaniga iyo waliba Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mahiga, ayna kulamdaasi ku dhamaadeen isfahan iyo guul.











































