Munaasabad xarigga looga jarayey dhisme cusub oo ay leedahay laanta denbi baarista ciidamada Booliska ee Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe ka dhacday.
Munaasabadaas ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin badan oo ay kamid ahaayeen madaxweynaha Puntland, ku-xigeenkiisa, wasiir ku-xigeenka amniga, saraakiisha ugu sareeya Booliska iyo madax ka socotey hay’adda UNDP.
Xaruntan oo noqon doonta xafiisyada ay ku shaqeyso laanta CID-da ee Puntland ayaa waxaa qalabaysay islamarkaana dhismahooda gacan ka geysatey hay’adda qaramada midoobey u qaabilsan horumarinta ee UNDP.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhismahaas si rasmi ah xarigga uga jaray waxaana intaas kadib waxyaabaha lagu qaban doono iyo qaybaha uu ka kooban yahay Saxaafadda uga warbixiyey wasiir ku-xigeenka amniga Cabdirisaaq Xareed.
Wasiirku wuxuu u mahad celiyey hay’adda UNDP oo iyadu ku deeqday qalabka iyo gaadiidka ay xaruntaasi ku shaqeynayso isagoo xusay in CID-du ay tahay laan muhiim ah oo Booliska ka tirsan .
Xaruntan ayaa noqonaysa tii ugu horeysey ee nooceeda ah ee Puntland laga hirgeliyo waxayna ka kooban tahay dhowr qaybood oo ay kamid tahay qaybta baarista denbiyada culus.
























