Is rasaaseyn Ilaalada Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Gudoomiyaha degmada C/casiis ku dhex martay degmadaas
Is rasaaseyn ayaa maanta duhurkii ka dhacday agagaarka Xarunta degmada C/casiis, halkaas oo lagu rasaaseeyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo wehliyay Gudoomiye cusub oo uu u magacaabay degmada C/casiis.
Wararka ayaa sheegaya in labo ruux ay ku dhinteen, halka lix kalena ay ku dhaawacmeen oo dad rayid ah ay ku jireen, iyadoo Gudoomiyaha xilka laga qaaday degmada C/casiis uu ku gacan seyray xil ka qaadista.
Gudoomiyaha Gobolka Maxamuud Axmed Tarsan ayaa isaga iyo Gudoomiyaha cusub oo degmada loo magacaabay ay damacsanaayeen in xilka lagu wareejiyo, hase ahaatee iska hor imaad ay la kulmeen.
Markii dambe ayaa la sheegay inay dib isaga soo laabteen Gudoomiyaha Gobolka iyo Gudoomiyihii cusbaa uu magacaabay, iyadoo xaalada ay tahay mid degan.
Xilliga is rasaaseynta ka dhacday Xarunta degmada ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne fara badan oo isugu soo baxayay, si ay uga qeyb galaan munaasabada xil kala wareejinta, inkastoo markii dambe la sheegay inay dhigeen banaan bax ay uga soo horjeedeen xil ka qaadista.
Gudoomiyaha xilka laga qaaday iyo Ilaaladiisa ayaa ku sugan Xarunta degmada, iyadoo goobta ay gaareen Ciidamo ka tirsan AMISOM.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Gudoomiyaha Gobolka oo la rasaaseeyay markii uu degmada u waday Gudoomiyaha uu magacaabay, iyadoo arrintan ay keeni karto khilaaf hor leh oo hareeya Maamulka Gobolka.






