Xildhibaannada iyo Wasiirrada kasoo jeeda Gobolka Hiiraan oo isku raacay in Gobolka Hiiraan loo qaybiyo laba Gobol
Sabti, Abriil 21, 2012 (HOL) — Xildhibaannada iyo wasiirrada kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo maanta kulan ku yeeshay hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho ayaa waxay isku raaceen in gobolka Hiiraan loo qaybiyo laba gobol, iyagoo sheegay in gobolka Hiiraan uu muddo dheer cadaalad-darro kusoo jiray.
Kulankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay xubno uu ka mid yahay mudane Ibraahim Ibraahim Xabeeb Nuur, iyadoo xildhibaannadii kulanka kasoo qaybgalay oo tiradoodu kor u dhaafaysay 40-tameeyo ay isku waafaqeen in gobolka Hiiraan laga dhigo laba gobol.
Doodo badan kaddib ayay xildhibaannadu isku raaceen in gobolka kale loo bixiyo Shabeellada sare ayna xarun u noqoto degmada Buule-burte, waxayna xuseen in tani ay meesha ka saarayso cadaalad-darradii uu gobolku kusoo jiray muddada dheer.
Xildhibaannada iyo wasiirrada reer Hiiraan ayaa waxay kulankooda ka sheegeen in gobollada kale ee dalka loo qaybiyay min laba illaa saddex, balse gobolka Hiiraan uu yahay mid aan la kala qaybin tan iyo markii gobollada dalka ay ahaayeen sideedda.
Wasiirrada kulanka kasoo qaybgalay ayaa waxay kala ahaayeen: wasiir u dowlaha wasaaradda Tamarta iyo Shidaalka, C/qaadir Dhicisoow, wasiir u dowladaha madaxtooyada, C/raxiin Abiikar iyo wasiir u dowlaha wasaaradda caafimaadka, Maxmed Cumar.
Mas'uuliyintan ayaa waxay sheegeen in degmooyinka gobolka ay u deynayaan inay go'aan ka gaarto wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, markaas kaddibna la shaacin doono.
Ugu dambeyn, xildhibaanada shiray iyo wasiirrada ayaa waxay sheegeen inay u gudbin doonaan go'aankooda madaxda sare ee dalka markaas kaddibna ay sameyn doonaan xaflad weyn oo ay kaga dhawaaqayaan gobolka cusub iyo degmooyinkiisa.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya





